10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 7 , 2014
Gabar Weriye ah oo xalay magaala-madaxda P/land ee Garoowe lagu xiray

Arbaco, Ogoosto 06, 2014 (HOL) — Ciidamada booliska ee gobolka Nugaal ayaa xalay saqdii dhexe hoteel ay magaalada Garoowe ka deggen tahay kala baxay Weriye Faadumo Yuusuf Siciid (Taxadar) oo kamid ah weriyeyaasha ka howlgala magaalada Boosaaso.

Faadumo oo ah barnaamij soo saare iyo tebiye ka tirsan Idaacadda Daljir xarunteeda ugu weyn ee gobolka Bari, horayna usoo noqotay agaasimaha guud ee Idaacadda 1Nation Boosaaso, lama oga ilaa iyo hadda sababta loo xiray.

Labo weriye oo kale oo ay Faadumo Taxadar hoteelka Shaariqa isla deggenaayeen, ayaa Hiiraan Online u sheegay in xalay saqdii dhexe ay ciidamadu si xoog ah ku kaxaysteen, kaddib markii ay weydiiyeen sababtana iyaga qudhooda lagu daray, inkastoo labadaas weriye oo kale markii dambe layska soo fasaxay.

Labo maalmood kahor, xilligaas oo ciidamo gadoodsani ay xoog ku qabsadeen xarunta warbaahinta dowladda, waxay gabadhaas weriyaha ah ee xalay la xiray ay si madax bannaan waraysi u siisay Idaacadda VOA, iyadoo uga xog warantay shaqaaqada Garoowe ka dhacday iyo weliba waxa ay salka ku haysay.

Dhowaan magaalada Garoowe waxaa ka dhacay shir-weynihii labaad ee ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, shirkaas oo lagu doortay hoggaanka cusub ee ururka. Tobannaan weriyeyaal ah oo ka kala yimid gobollada Puntland si ay uga qayb galaan shir-weynaha MAP iyo doorashada hoggaanka cusub ayey Faadumo kamid ahayd.

Waa weriyihii ugu horreeyey ee Puntland lagu xiro tan iyo markii uu Puntland Madaxweynaha ka noqday Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas, xilligaas oo hadda muddo siddeed bilood ah oo qura laga joogo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya