3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2014
Madoobe Nuunow Maxamed oo dhameystiray Golaha Wasiirrada Maamulkiisa


Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee lxida gobol ka kooban, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa maanta dhameystiray golihiisa wasiirrada oo tiradoodu tahay13 xubnood.

Wasiirrada la magacaabay ayaa waxay kala yihiin:

1.  Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha Diinta, Liibaan Ibrahim Amiin
2.  Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, C/qaadir C/raxmaan Cali Baraf
3.  Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Aadan Cusmaan Xaashi Sujuu  
4.  Wasiirka Dhallinyarada Isboortiga iyo Garoomada, Xaaji Cali Adan Fartaag 
5.  Wasiirka Waxbashada iyo Barbaarinta, Cabdullaahi Adan Cali Shaleetey
6.  Wasiirka Lacagta iyo Hantida, Axmed Maxamed Abuukar
7.  Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, Maxamuud Cali Shire
8.  Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka, Cali Isaaq Cabdullahi
9.  Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha, Cabdirashiid Maxamed Ducaale
10. Wasiirka Gargaarka, xuquuqul Insaanka, Xasan Makooma Mahiina 
11. Wasiirka Hub-ka-dhigista, Dhaqan-celinta & Dib u dejinta, Maxamed Caddow 12. Wasiirka Caafimaadka, Saalax Sheekh Cusmaan Cabdalla
13. Wasiiradda Haweenka iyo Qoyska, Faadumo Maxamed Abuukar (Faayow)  

Madoobe Nuunnow ayaa horay u magacaabay toddoba xubnood oo ka tirsan golaha wasiirraada maamulkiisa, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, wasiirrada arrimaha dibadda, kan arrimaha gudaha, beeraha iyo madaxtooyada.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya waddada u dhaxeysa Buurhakabo iyo Baydhabo ayaa sheegaya in gaari yar oo wada jaad lagu gubay halkaas, waxaana ku dhintay afar qof, lamana oga cidda ka dambeysay weerarka lagu qaaday gaarigaas jaadka waday.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
4/5/2014 3:07 PM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Inta la hubo 10-askari ayaa ku dhintay dagaal tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeyay askar kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Shabeellada Dhexe.

4/5/2014 2:41 PM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa maanta kula kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyadoo waxyaabihii ay labada madaxweyne kawada hadleen ay ka mid ahaayeen dadka lagu xirxiray howlgallada magaalada Nairobi ka socda.

4/5/2014 1:50 PM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay dhibaatada tahriibta iyo sidii looga hortegi lahaa ayaa maanta lagu qabtay dugsiga sare ee Samatar Baxnaan ee magaalada Buuhoodle.

4/5/2014 1:01 PM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Waxaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ciidan gaar ah iyo saraakiil lagu soo tababaray dalka Imaaraatka Carabta, ciidamadaas oo loo soo tababaray ilaalinta madaxtooyada Soomaaliya iyo goobaha muhiimka ah ee caasimmadda.

4/5/2014 12:39 PM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku sugan wafdi isgu jira wasiirro, xildhibaanno iyo taliyeyaal ciidan oo ka socda Puntland, waxayna kulan kulmeen magaalada bulshada qaybaheeda iyo maamulka gobolka Mudug.

4/5/2014 12:15 PM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha magaalada Kismaayo, Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timojilic) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo kormeeray garoonka kubadda cagta ee degmada Kismaayo ee loo yaqaan Waamo Studium, kaasoo mudooyinkii u danbeeyay ay ku socdeen howlo dib u dhis ah.

4/5/2014 12:02 PM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Wasiirka Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo maalmihii u dambeeyey hawlo shaqo u joogay dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka Duulista Hawadda ee dalkaasi,waxaanu ka dalbaday sidii Diyaaradda Turkigu u iman lahayd Somaliland.

4/5/2014 11:57 AM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Barlamaanka dalka Jarmalka ayaa meel-mariyay qorshe muddo badan lagu muran sanaa oo la xiriira in tababarayaal ka socda dowladdaas ay si toos ah uga howl-galaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

4/5/2014 11:54 AM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan oo mooto wata ayaa shalay gellinkii hore ku toogtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Siciid Abuukar Cumar Caddaan.

4/5/2014 8:27 AM EST
Sabti, April 05, 2014(HOL) - Kulan ay maanta isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayay uga doodeen magacaabista maamullada degmooyinka gobollada dalka iyo shuruuc ay hore baarlamanka u ansixiyeen oo ku saabsanayd hindise sharciyeedka maamul u sameynta gobollada dalka.

4/5/2014 3:26 AM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ah sidii lagu mideyn lahaa culummada, si ay ugu adeegsato inay ka wacyigeliyaan shacabka fikradaha Al-shabaab oo ay dowladdu dagaal kula jirto.

4/5/2014 3:03 AM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya, Willy Mutunga ayaa shalay ku dhawaaqay shaqo-joojin lagu sameeyay afar mas'uul oo sar-sare oo ka tirsan garsoonka si looga cafiyo baaritaanno lagu la xiriira arrimo musuqmaasuqa la xiriira oo lagu tuhmay iyo ku-takrifalka garoonka dalka.

4/5/2014 2:46 AM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Xukuumadda Jabuuti ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay maamulka Somailland, kaasoo ku saabsan sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen ka hortagga isku gudbinta maandooriyaha, tahriibka iyo kooxaha argagaxiada ah.

4/5/2014 2:24 AM EST
Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa shalay oo Jimco ahayd la kulmay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyadoo kulankaas looga hadlay sidii looga hortegi lahaa kuwa dhibaatooyinka ka dhex-geysanaya Soomaaliya.