4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Baarlamanka Somalia oo ka dooday maamul u sameynta degmooyinka dalka
Sabti, April 05, 2014(HOL) - Kulan ay maanta isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayay uga doodeen magacaabista maamullada degmooyinka gobollada dalka iyo shuruuc ay hore baarlamanka u ansixiyeen oo ku saabsanayd hindise sharciyeedka maamul u sameynta gobollada dalka.

Kulankan oo uu shir gudoominayay gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa looga dooday maamul u sameynta degmooyinka gobollada Dalka iyo nidaamkii maamul u sameynta gobollada ee uu baarlamanku hore u ansixiyay, waxaana mooshinkani keenay qaar kamid ah xubnaha baarlamanka Soomaaliya.

Mudanayaashii kulanka ka hadlay ayaa si kulul uga hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee la xiriira maamul u sameynta gobollada iyo degmooyinka dalka, waxayna ugu baaqeen madaxda dowladda in la raaco dastuurka islamarkaana la joojiyo isbadbadal ay sheegeen in lagu sameynayo maamullada degmooyinka gobollada dalka.

Mudanayaasha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in la helo maamul la shaqeeya ciidamada howlgallada ka wada gobollada dalka Soomaaliya, islamarkaana degmooyinkii dhawaan laga saaray Al-shabaab ay yeeshaan maamullo.

Gudoomiyaha kuxigeenka labaad ee Baarlamanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ugu danbeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in mooshinnada maanta laga doodayay ay ahaayeen kuwo ka yimid xildhibaanno ka tirsan baarlamanka, isagoo xusay in uu sidoo kale kamid ahaa mowshin ay xildhibaannadu ku dalbanayeen in isbadal lagu sameeyo miisaaniyadda dowladda ee sanadda 2014.

Masuulkan ayaa sheegay in maalinta berito ah uu baarlamanku hor iman doono wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka si buu yiri uu uga jawaabo su’aalo ay weeydiin doonaan mudanayaasha baarlamanka.

Doodan ku saabsan maamullada degmooyinka gobollada ee ay maanta yeesheen mudayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya ay dhawaan maamul cusub u magacowday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya