4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Xubno sar-sare oo ka tirsan garsoorka dalka Kenya oo Shaqooyinkii laga Eryay

Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya, Willy Mutunga ayaa shalay ku dhawaaqay shaqo-joojin lagu sameeyay afar mas'uul oo sar-sare oo ka tirsan garsoonka si looga cafiyo baaritaanno lagu la xiriira arrimo musuqmaasuqa la xiriira oo lagu tuhmay iyo ku-takrifalka garoonka dalka.

Mas'uuliyiinta shaqada laga eryay ayaa kala ah: ku-xigeenka madaxa diiwaanka, Kakai Kissinger, agaasimihii shaqaalaha iyo maamulka, Dismas Obondo, madaxii maareeynta sahayda, Martin Okwata iyo agaasimihii warfaafinta iyo tiknolajiyadda isgaarsiinta, Thomas Atak.

Isagoo akhrinaya hadal horay loo sii diyaariyay ayay madaxa diiwaanka garsoorka Atieno Amadi sheegtay in Mutunga inuu amar ku bixiyay shaqo-joojinta kaddib markii shaki laga muujiyay sida ay mas'uuliyiintu u dhaqmeen iyo afarta waax ee ay maamulayeen.

Sidoo kale, Amadi waxay intaa raacisay in baaritaannadu ay la xiriiraan kuwo ka horreeyay oo la sameeyay sannadkii hore, kuwaasoo la xiriiray ku-takrifal maamul oo ka dhacday qaybaha wax-soo-gadashada, shaqaalaha, warfaafinta iyo tiknoolajiyadda iyo ijaaridda dhismayaasha maxkamadda.

"Arrimahan waxay su'aalo muhiim ah ka keeneen kartida shaqo ee mas'uuliyiinta, laakiin waxay sidoo kale tilmaamayaan tallaabooyin ay tahay in la qaado si loo ilaaliyo hantida dadweynaha," ayay tiri Amadi.

Afarta qof ayaa la faray inay si munaasib ah shaqada ugu wareejiyaan mas'uuliyiin loo magacaabay iyo inay saddexda bisha May u yimaadaan si loo gaarsiiyo farriimo dheeri ah.

Dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore ka taagnaa muranno la xiriira dhanka garsoorka, kuwaasoo ku saabsan in garsoorayaashu ay qaataan laaluush ayna ku kacaan ku takri-fal dhinaca awoodda ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya