4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Jabuuti iyo Somaliland oo kala Saxiixday Heshiis lagu Adkeynayo Ammaanka

Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Xukuumadda Jabuuti ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay maamulka Somailland, kaasoo ku saabsan sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen ka hortagga isku gudbinta maandooriyaha, tahriibka iyo kooxaha argagaxiada ah.

Xubno ka kala socda Jabuuti iyo Somaliland ayaa heshiiskan saxiixday magaalada Lowya-cadde maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay, sida ay ay baahisay wakaaladda wararka dalka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa dhanka Somaliland u saxiixay heshiiska, iyadoo dhinaca xukuumadda Jabuutina uu heshiiskaan u saxiixay wasiirkooda arrimaha gudaha, Xasan Cumar Maxamed.

Labada dhinac ayaa qoraya in la dhiso guddi wadajir ah oo la socda dhaqan-gelinta go’aannada heshiiska, kaasoo ah mid xoojinaya iskaashiga arrimaha ammaanka iyo la-dagaallanka argagixisannimada. Waxaa sidoo kale ay labada dhinac iska kaashan doonaan ka-hortagga tahriibka, iyadoo ganacsigana labada dhinacna laga dhigi doono mid xooggan.

"Ujeeddada wadahadallada waa in la helo fikrado wadaag ah oo la doonayo in lagu helo qaabab lagu horumarin karo dadaallo looga hortagayo, tahriibka, waxyaabaha maanka dooriya iyo argagaxisada, waana kaas iskaashiga aan kala saxiixannay,” ayuu yiri Waran-cadde oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, wasiirka wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu xoojinayo sidii looga hor-tegi lahaa dhibaatooyinka ka imaan kara isku-tallowga xuduudaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya