11/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 4 , 2014
BELGIUM: Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Lagu Bannaanbaxay (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 04, 2014 (HOL) — Mudaaharaad looga soo horjeedo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka dhacay Arbacadii doorraad ahayd afaafka hore baarlamaanka Midowga Yurub oo ku yaalla magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

Bannaanbaxa ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal ka tirsan jaaliyadda Jabuuti ee ku nool Qaaradda Yurub, iyadoo dibadbaxayaashu ay wateen boorar ay ku masawiran yihiin xubno mucaarad ah oo ay dalbanayeen in lasii daayo.

“Dibadbaxa waa mid si wanaagsan u dhacay, waxayna dadkan halkaan isugu yimid ee dibadbaxa ka qaybgalayay muujinayeen dareenkooda ku aaddan sida aysan ugu qanacsanayn maamulka ka jira Jabuuti,” ayuu yiri C/raxmaan Boorre oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaan dalka oo dibadbaxa ka qaybgalayay.

Sidoo kale, Boorre wuxuu sheegay in dibadbbaxan ay ka qaybgaleen xisbiyo badan oo mucaaradka Jabuuti ka tirsan kuwaasoo ku mideysan isbahaysiga SNA, isagoo ku daray hadalkiisa in tani ay meesha ka saarayso hadallo ay faafin jirtay dowladda Jabuuti oo ahaa in mucaaradku ay dhexdooda is-haystaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Farriinta aan mudaaharaadka ku gudbinaynay waxay ahayd inaan beesha caalamka tusno in shacabka Jabuuti ay dhibaato ku jiraan oo uu gacanta ku hayo maamul mayal-adag, dadkuna waxay dalbanayeen cadalaad, midnimo iyo maamul furfuran oo aan kalli-talis ahayn,” ayuu mar kale yiri Boorre.

Ganacsadaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee ay muujinayeen ay ka mid ahaayeen cadaalad-darrida iyo dimuqraadiyad la’aanta ka jirta Jabuuti iyo dhibaatada shacabka haysata.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne isugu jiray rag, dumar iyo waayeel, kuwaasoo dhammaantood ku qaylinayo erayo ay kaga soo hor-jeedaan madaxweynaha Jabuuti iyo xukuumaddiisa.

Xisbiyada mucaaradka dalka Jabuuti ayaa waxay ka caroordeen sannadkii 2013-ka doorashadii baarlamaaniga ahayd ee ka dhacday dalkaas, iyagoo sheegay in si aan cadaalad ahayn ay ku dhacday oo codadkii doorashada lagu shubtay, inkastoo uu taas gaashaanka ku dhuftay madaxweynaha Jabuuti Geelle.

Dhanka kale, dibadbaxayaasha ayaa waxay dalbanayeen in lasii daayo mas’uuliyiin ka tirsan mucaaradka Jabuuti oo ku xiran dalkaas, iyagoo sheegay inay ku xiran yihiin cadaalad-darro.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu ka mid ahaa madaxdii Afrika ee lagu casuumay shirkii Afrika iyo Midowga Yurub ay ku yeesheen xarunta dalka Belgium ee Brussels oo ay ku taallo xarunta Midowga Yurub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya