10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 2 , 2014
Rugta Ganacsiga Somalia oo qabatay kulan shahaado sharaf lagu bixinayay


Arbaco, Abriil 02, 2014 (HOL) — Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia ayaa maanta ku qabtay  Muqdisho kulan ay ugu magic-dartay (Kulanka bixinta shahaado shaqaalaha sannadka” kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay marti sharaf kala duwan, qaybaha bulshada iyo aqoonyahanno.

Goobta uu kulanku ka dhacay oo ahayd Baarka Oromo ayaa waxaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay, mudane Yuusuf C/lle Calasoow  oo ka mid ah shaqaalaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyadoo la sheegay in shahaadada uu ku muteystay kaddib markii uu helay bundooyinkii ugu badan ee shaqaalaha laga ururiyay, iyadoo bixinta abaalmarinta lagu saleeyay labadan qodob ee kala ah:

1. Qofka ugu shaqada wanaagsan marka la eego ku faraxsanaanta shaqaada uu hayo inta sacadood ee uu shaqeynayo.

2. Xiriirka is-caawineed ee kala dhexeeya shaqaalaha inuu yahay mid abuuraya jawi wada-shaqayn iyo farxad.

Dhammaan kasoo qayb-galayaashii kulanka ayaa ku tilmaamay tallaabadan mir aad loogu farxo oo horumar leh, iyagoo bogaadiyay in xafadahan oo kale loo sameeyo shaqaalaha hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadka ka dhexeeya, laguna bogaadiyo dhammaan shaqaaalaha Rugta inay dadaal dheeraad ah muujiyaan si la mid ah saaxiibkood.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya