4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Gabar sheegtay in ay 2016-ka u tartamayso xilka Madaxweynaha Soomaaliya


Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Gabar Soomaaliyeed oo dalka Finland ku nool ayaa sheegtay inay doonayso inay noqoto madaxweynihii dumar ah ee ugu horreeyay oo Soomaaliya ay yeelato, kana qayb-galayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee dhici doona sannadka 2016-ka.

Sheekadan ayaa waxaa manta qoray wargeyska Yle oo kasoo baxa caasimadda Finland ee Helsinki, waxaana lagu sheegay in Faadumo Dayib ay dalka Finland tagtay sannadkii 1990-kii, ayna maamulka guud ku baratay jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka, iyadoo sheegtay inay rumeysan tahay in xilligan la joogo markii ay Somalia madaxweyne ka noqon lahayd ruux dumar ah.

“Waxaan doonayaa inaan noqdo madaxweynha Soomaaliya, waayo waxaan rumeysanahay in haweenku ay fursado u horseedi karaan dalka,” ayay tiri Faadumo oo intaas ku dartay. “Haweenka ayaa u horseedi kara dalkooda inuu noqdo mid dhaqaale leh, maareyn kara miisaaniyadda qoysaska iyo horumar ay bulshadu gaarto. Siyaasadda Soomaaliyana hadda waxay diyaar u tahay in madaxweyne ay ka noqoto haweeney.”

Sidoo kale, Faadumo Dayib ayaa sheegtay inay la dagaalamayso shaqo la’aanta haysata dhalliyarada Soomaaliyeed, ilaalinta kuwa laga tirada badan yahay iyo horumarinta wax-barashada dalka.

“Waxaa wax lala yaabo ah in dhallinyarada Soomaaliyeed aysan wax khibrad ah lahayn, marka laga reebo dagaallada,” ayay hadalkeeda ku dartay, waxay raacisay intaas. “Xitaa ma ahan kuwo qiyaasi kara wax kale oo horumar ah oo aan ahayn dagaal iyo burbur.”

Faadumo Dayib ayaa sheegtay inay Soomaaliya tagayso sannadka soo socda markaasoo ay billaabi doonto ololaheeda ku aaddan sidii ay madaxweyne uga noqon lahayd Soomaaliya.

“Waxaa jira dad badan oo Somali iyo ajaabin ah oo fikirkeyga igu taageeray, taasi, taasina waxay ka dhigan tahay in xilligan ay Somalia madaxweyne ka noqon karo qof dumar ah,” ayay mar kale tiri Faadumo Dayib.

Faadumo ayaa sheegtay inaysan doonayn in ololaheeda uusan noqoto mid ku dhisan hab qabiil, taasoo ay xustay inay muddo dheer Soomaaliya caado ka ahayd.

“Markii hore madaxweynaha Soomaaliya hab beeleed ayaa lagu soo dooran jiray,” ayay tiri Faadumo Dayib oo intaas ku dartay. “Hadda waxaa jirta rajo in Soomaaliya ay ka dhacaan doorashooyin dimuquraadi ah, waxaana si weyn u rajeynayaa in shacabku ay u codeyn doonaan murashaxinta, oo aan lagu soo dooran doonin qabiil.”

Soomaaliya ayaa la filayaa inay sannadka 2016-ka ka dhacdo doorasho xor ah oo shacabku ay u codeynayaan madaxweynihii dalka hoggaamin lahaa, taas oo aan ku dhisnayn hab beeleed iyo nin jeclaysi.

Faadumo ayaa sheegtay inay tahay mid halis ah in dal Soomaliya oo kale ah laga noqdo siyaasi ama murashax, dhowr jeer ayaan ka baqay in xubnaha u tartamaya xilalka la dilo, iyadoo qirtay inay halis tahay in la dilo.

“Anigu kama baqayo dhimasho,” ayay tiri Faadumo oo raacisay. “Waayo qof walba ay ku taagan tahay inuu maalin uu dhimanayo. Haddii aan dhinto waxaan ku dhintay anigoo ku taagan waddadii ruux difaaca wuxuu aamisan yahay. Waana taas midda sharafta noo ah.”

Ma ahan Faadumo haweeneydii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee sheegta inay doonayso inay madaxweyne ka noqoto Soomaaliya, iyadoo doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh ay sheegtay gabar kale oo Soomaaliyeed oo ku nool Finland inay doonayso inay ka qaybgasho doorashada, laakiin mar dambe sheegtay inay tanaasushay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya