4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Arday badan oo Maanta u fariistay Imtixaanka Qubuulka Jaamacada Banaadir


Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Xarunta Dr. Shahiid ee Jaamacadda Banaadir oo ku taalla degaanka Km-13 ee duleedka Muqdisho iyo xarumaha kale oo jaamacaddu ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa maanta ka bilowday imtixaanka ogolaanshaha ama qubuulka ee Jaamacadda Banaadir ee sanad-dugsiyeedka 2004-2005 oo ay u fariisanayaan arday kumannaan gaaraysa.

Imtixaanka ayaa waxaa kormeerayey mas’uuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir, kuwaasoo kusoo wareegay fasallada lagu qaadayay, una kuur-galay qaabka uu u socday imtixaanka.

Diiwaan-hayaha Jaamacadda Banaadir Inj. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed ayaa sheegay in imtixaanka ogolaanshaha Jaamacadda ay sannadkan u fariisanayaan arday gaaraysa 2,500 (Labo kun iyo shan boqol) oo ka baxay dugsiyada sare ee dalka, isuguna jiro hablo iyo wiilal, kuwaasoo uu xusay inay soo dalbadeen 10-ka kulliyadood ee Jaamacadaas ay ka kooban tahay.

“Si fursad loo siiyo ardayda ka imaanaysa dibadda iyo gobollada dalka ee soo dalbaday Jaamacadda Banaadir, waxaa imtixaanka loo kala qaaday saddex qaybood, qeybta maanta fariisatay waa qaybtii koowaad, qaybaha labaad iyo sadexaadna dabayaaqada bishan ayay iyaguna geli doonaan,” ayuu yiri Inj. Ismaaciil.  

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in imtixaanka ogolaanshaha Jaamacadda ee sanadkan ay u fariisanayaan arday aad uga badan kuwii sannadihii hore.

“Saaka waxaa farxad inoo ah inaan billowno qaadista Imtixaanka qubuulka Jaamacada Banaadir ee sannad-waxbarashadeedka 2014-2015, waxaana u fariisanaya arday gaareysa 2,500 oo ah tiradii ugu badneyn ee u imtixaanka  qubuulka Jaamacada mudadii 12-ka sano ahayd ee ay jirtay, tanina waxay muujinaysaa sumcadda, tixgelinta iyo karaamada ay jaamacaddu ummadda Soomaaliyeed ku dhex leedahay,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Waxaan kaloo iyana madasha hadlay Dr. Xasan Xaaji Maxamed Shuuriye oo ka mid ah asaasayaasha Jaamacadda Banaadir, Dr. Maxameed Maxamuud Xasan (Biday) hormuudka kuliyadda caafimadka, C/raxmaan Xasan Cumar oo ah Madaxa imtixaanaadka Jaamacada, C/llaahi Biixi oo ka socday dallada SOMALI-REN iyo xubno kale oo ku dheeraaday ka hadalka heerarka iyo qaababka loo qaadayo imtixaanka qubuulka ee Jaamacada, iyagoo u rajeeyey ardayda ka qaybgalaysa guul.

Intaas kaddib ayaa warbaahinta waxaa lagu soo wareejiyay maktabada dhexe ee Jaamacada Banaadir oo ay yaalaan illaa 60-kun oo buug iyo maktabad u gaar ah qaybta electronikada oo iyana ay yaalaan illaa 150-kun oo buug, waxaana maamulka Jaamacaddu ay sheegeen in maktabadahani ay yihiin kuwa ugu waaweyn Soomaaliya ee xagga cilmiga.

Ugu dambeyn, waxaa warbaahintu lasoo tusay isbitaalka tacliimiga ah ee Jaamacada oo heer gabo-gabo ah maraya, kaasoo maamulku ay sheegay in dhawaan la qalabeyn doono, sannadka cusubna uu howshiisa bilaabi doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya