4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Xildhibaanno ka qaybgalay Caleemo-saar lagu Qabtay Baydhabo (SAWIRRO)


Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta xildhibaanno taageersan maamul lixda gobol ka kooban ee koofur-galbeed, kuwaasoo ka qaygbalay xaflad lagu caleemo-saarayay guddoomiyaha cusub ee maamulka Koonfur-galbeed, Cumar Dheere.

Xildhibaannadan ayaa waxaa hoggaaminayay, Sh. Aadan Midoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade, iyagoo ku dhawaaqay inay taageersan yihiin maamulka lixda gobol ee horay looga dhisay Baydhabo.

Mudanayaashan ayaa waxay goobjoog ka  ahaayeen caleemo-saarka Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere) oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha golaha baarlamaanka maamulkan, taasoo ka dhacday xarunta ADCd-da Baydhabo.

Sidoo kale, caleemo-saarka ayaa waxaa kasoo qaybgalay ururrada bulshada rayidka ah ee Baydhabo, shacabka iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ka hadlay guddomiye ku xigeenka gobolka Bay Cusmaan Macalin oo kusoo dhaweeyay xubnihii Muqdisho ka yimid, isagoo soo bandhigay siyaasadda meesha ay ka soo billaabatay iyo meesha hadda marayso.

Xildhibaan Xaabsade oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay maamulka lixda gobol ka kooban, uuna taageero joogto ah la garab taagan yahay, isagoo sheegay in maamulkan mid aan ahayn aan laga dhisi karin Baydhabo.

Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay guddoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya, xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaan Afaraale oo iyagana sheegay inay taageerayaan maamulka, ayna magaciisa ku matalayaan baarlamaanka Soomaaliya.

Gabagabadii waxaa madasha ka hadal ka jeediyay guddomiyaha golaha guurtida Xasan Shure Maxamuud oo ku baaqay in berri la sameeyo dibadbax lagu taageerayo maamul goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya ee lixda gobol ka kooban, kaasoo uu sheegay inuu noqdo mid nabadeed.

Dhanka kale, waxaa maanta Baydhabo soo gaaray Ra’iisul waaaraha dalka, C/weli Sheekh Axmed iyo wafdig uu hoggaaminayo wuxuuna kulan daqiiqado ah la qaatay guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoon aan soo gelin Baydhabo, wuxuuna dib ugu laabtay Muqdisho.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegay in la isku afgaran waayay in Baydhabo uu gudaha u soo galo, taasoo keentay inuu markii dambe ka laabto garoonka, waana markii ugu horreysay oo uu ra’iisul wasaaruhu yimaado Baydhabo kana laabto garoonka.

Hiiraan Online, Baydhabo