4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Dowladda Jarmalka oo lacag ku bixinaysa Miino-baaris laga sameeyo Somalia

Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Dowladda Jaramalka ayaa lacag dhan 1.5 Euro ku taageertay howlgalka gargaarka bini’aadannimo ee ka socda qaybo ka mid ah dalka, iyadoo lacagtan lagu bixin doono miina baaris laga samayn doono waqooyiga Soomaaliya.

Hay’adda HALO Trust ayaa mashruucan ugu wakiil ah Jarmalka inay hirgaliso, iyadoo horey  howl-gallo miino baaris ah  uga soo samaysay xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana sidoo kale looga faa’idaysan doona lacagtan kor u qaadidda tayada shaqaalaha dowladda iyo maamuladda kale ee dalka ka jira.

“Mashruucan aad ayuu muhiim ugu yahay nabadda iyo xasiloonada Somalia oo dhan “ayuu yiri safiirka Jarmalka ee Soomaliya Andreas Peschke oo ka hadlayay mucawanidan iyo waxtarka ay u yeelan karto bulshada.

“Dowladda Jarmalka waxa ay ku faanaysaa in ay ka qayb qaadato dadaalada lagu taageeryo Soomaliya si looga gudbo dagaallada iyo bur-burka “ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan oo tilmaamay in miinoyinka ku aasan qaybo kamid ah dalka ay u baahan-yihiin wax ka qabasho.

Waxaa dowladda dawladda Jaramalka ay sheegtay in ay doonayso dib u soo noolaynta xiriirkii wada shaqayneed ee labada wadan ka dhaxeeyay oo meesha ka baxay markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somaaliya.

Ugu danbayntii Jarmalka ayaa xubin fir-fircoon ka ah howl-galka Midowga Yurub ee lagula dagaalamayo kooxaha burcad-badeedda ah, isla markaaana lagu tababarayo ciidamadada dowladda Soomaaliya.

Faysal Maxamed Hassan
[email protected]