4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Gargaar Cuno oo goor-dhaw gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-bure ayaa sheegaya in goor dhaw ay halkaa gaareen gadiid xamuul ah oo sidda raashin ka badan 200 oo tan oo uu ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle.

Gadiidka oo ka baxay magaalada Beledweyne ayaa waxaa sii galbiyay ciidan isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM oo intii ay wadada ku sii jireen la kulmay iska horimaadyo dhowr ah kaddib markii ay  xoogaga Al-shabaab marar badan weeraro kala duwan ku qaaday ciidamada iyo gadiidka gargaarka sidday.

Taliyaha ciidamada militariga gobolka Hiiraan Col Towane Axmed Gurey ayaa  u sheegay HOL  in ay goor dhaw gaareen  degmada, inkastoo ay la kulmeen iska horimaad  inkastoo sidda uu sheegay ay la kulmeen jidgooyo ay u dhigeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

“Gadiidka iyo ciidamada xalay waxaa ay ku hakadeen deegaannka Beero-yabaal si aan isku aragno cadawgga, saakay markii aan halkaa ka dhaqaaqnay ayeey isku dayeen in  jidgooyo noo dhigtaan, hasse ahaatee khasaare xoog leh ayeey arrintaa kala kulmeen waxaan goobta ku dillay 20 ka tirsan Al-shabaab,’’ ayuu yiri Col Towane Axmed Gurey.

Dadweyn siweyn ugu baahnaa gargaarka saakay gaaray degmada Buula-bure ayaa la sheegay in ay isugu soo baxeen jidadka iyo xaafaddaha degmada iyaga soo sita boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhagyo ay ku soo dhawenayaan ciidamada iyo gargaarka la soo gaarsiiyay.

Dagaal shalay ka dhacay wadada dheer ee xiriirsa Beledweyne iyo degmada Buula-burte ayaa inta la og-yahay waxaa ku dhitay in ka badan 10 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii uu iska horimaadka dhaxmaray.

Gargaarka ayaa la fillayaan in saacadaha nagu soo foolka leh loo qeybiyo dadka degmada Buula-burte iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya