4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2014
Iska-horimaad ka dhacay Gobolka Hiiraan iyo Degmada Jalalaqsi oo daggan

Arbaco, September 03, 2014 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof oo uu ku jiro mid ka mid ah ciidamada dowladda Soomaliya ayaa ku dhintay iska-horimaad ku dhexmaray maanta meel ku dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinaca iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.

Iska-horimaadka ayaa yimid kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidammo la socday baabuur gargaar u waday u sidday degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan oo ka ambabaxay degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ka tirsan kuwa dowladda oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inay  ciidamadu toogasho ku dileen shan ka mid ah xoogagga Al-shabaab ee weerarka soo qaaday dhan-koodna uu ka dhintay hal askari.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan weerarka ay ku qaadeen maanta gaadiidka gargaarka waday ee ku socoday Buulo-barde, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmay xilli maanta ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen degmada Jalalaqsi oo horay ay u maamulaysay Al-sbabaab.

Xubnaha ka tirsan saraakiisha dowladda ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay iska daafeen weerarka ayna sii wadi doonaan galbinta gargaarka samafalka ah ee ku socda Buulo-burde.

Dhanka kale, xaaladda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo ay maanta la wareegeen ciidamada huwanta ah ayaa daggan caawa, iyadoo wariyeyaal ku sugan degmadaas ay sheegeen inay xaaladdu aad u wanaagsan tahay.

Taliyeyaasha dowladda ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay inay ku qabsadeen degmadaas dagaal la’aan, balse ma aysan sheegin in howlgalka ay sii wadi doonaan iyo inay degmadaas ku ekaan doonaan.

Xarakada Al-shabaab weli kama aysan hadal qabsashada degmada Jalalaqsi, iyadoo ka mid noqonayso dhowr degmo oo ciidamada dowladdu ay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka qabsadeen Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya