4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2014
Siilaanyo oo guddi wasiirro ah u saaray cabasho kaga timid Odayaasha Awdal

Arbaco, September 03, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta guddi u saaray daraasadaysa cabashadda madax dhaqameedka gobolka Awdal oo madaxweynaha usoo gudbiyey inay saluugsan yihiin saamiga ay xaqa ugu lahaayeen dawladda.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa guddi toddoba qof ah u saaray daraasadda iyo u kuurgalidda cabashadda deegaanka Awdal ka jirta, waxaana gudoomiye looga dhigay wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cadami.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/241-2682/092014 ku magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.

Waxaanu intaas ku daray “Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiiro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan”

“Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan”ayaa la raaciyey qoraalka madaxweynaha ka soo baxay.

Guddiga Wasiirrada ah waxay kala yihiin:

1. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                            
2. Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha                                     
3. Wasiirka Wasaaradda Beeraha
4. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                             
5. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka
6. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
7. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta                                   

Si kastaba arrintu ha ahaatee, madax dhaqameedka gobolka Awdal ayaa madaxweynaha u gudbiyey sida ay u saluugsan yihiin saami qaybsiga dawladda ay ka helaan reer Awdal, waxaanay taasi keentay in madaxweynuhu guddi wasiiro ah u saaro ka soo tallo bixinta cabashadaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland