4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2014
Guddoomiyaha Cusub ee xiriirka kubada cagta oo laga taageeray Beledweyne


Arbaco, September 03, 2014 (HOL) — Guddiga Olanbikada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay soo dhawenayaan doorashada guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ee dhawaan loo doortay in uu noqdo Cabdiqani Saciid Carab.

Guddoomiyaha Olanbikada gobolka Hiiraan C/kariin Xassan C/dulle Qalaad oo la hadllay HOL ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaan doorashada Cabdiqani Saciid Carab oo ku sifeeyay in uu yahay shaqsi wax badan ka og marxalada Isboortiga dalka ee waqtigan gaar ahaan kubada cagta.

“Waxaan is leenahay Cabdiqani waa shaqsi xog-ogaal u ah marxalada xiligan Isbooriga guud ee dalka uu ku sugan yahay, waayo wuxuu doorashadiisan ka hor mudo dheer soo ahaa xog-hayaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed, sidda daraadeed waxaan ka fileynaa shaqo iyo wax qabad ka ballaaran howlihii uu soo qabtay mudadii uu xog-hayaha ahaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha Olanbikada gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale tartan lagu maamuusayay doorashada guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay garoonka kubada cagta magaalada Beledweyne waxaana ku tartamay cayaartooyda labada kooxood ee Isbartiibo iyo Hilaac oo 2-1 ay guusha ku raacday  kooxda Isbartiibo.

Ugu danbeyn, guddoomiyaha Olombikada gobolka ayaa ugu baaqay guddoomiyaha cusub in uu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay gobollada oo sidda uu sheegay lafdhabar u ah Isboortiga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya