4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2014
Madoobe Nuunoow oo Maanta ka Hadlay Kulankii uu la yeeshay Prof. Jawaari


Arbaco, September 03, 2014 (HOL) — Golaha aqoonyahannada Koonfur-galbeed Somalia ayaa maanta kulan la yeeshay golaha wasiirrada maamulka lixda gobol iyo madaxweynaha maamulkaas Madoobe Nuunoow Maxamed.

Kulankan ayaa ahaa mid Madoobe Nuunow su’aalo looga weydiinayay kulan uu la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Jawaari iyo wuxuu kala soo kulmay.

Madoobe Nuunow ayaa su’aalahaas kaga jawaabay in shirkii ay la qaateen Prof. Jawaari uu noqday mid aan la isku af-garan, uuna diyaar u yahay inuuu berri oo Khamiis ah u sharraxo shacabka Baydhabo kulankaas iyo wixii ay kala soo kulmeen.

Wasiiradda haweenka ee maamulka koonfur galbeed, Faayow Mad Xuseen oo la hadashay HOL ayaa uga warrantay HOL kulankii la yeesheen Jawaari, iyadoo sheegtay inaysan jirin wax heshiis ah oo lagu gaaray uuna Jawaari u soo jeediyay in la dhiso maamul saddex gobolk ka kooban, kaasoo ay beesha caalamku taageersan tahay.

“Hadalkii uu soo jeediyay Jawaari waanu diidnay,” ayay tiri Faayow oo ka mid ahayd wasiirradii maamulka lixda gobol ee Koonfur oo shalay kulanka la sheegay guddoomiyaha baarlmaanka Soomaaliya.

Faayow ayaa wareysiga ay siisay HOL ku tiri. “Waxaan dadweynaha gobalka ugu baaqaynaa inay maalinta berry ah sameynayaa bannaanbax maamulka lixda gobol lagu taageerayo, lagana soo Horjeedo afkaarta Jawaari uu u soo bandhigay.’

Sidoo kale,  wasiiraddu waxay tilmaantay in goobta uu dibadbaxu ka dhici doono ay tahay xarunta ADC-da ee Baydhabo oo haatan ah madaxtooyada maamulka lixda gobol ee ay ka tirsan tahay.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo waxaa maanta yimid xildhibaanno ka mid ah kuwa baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaannada maanta soo gaaray Baydhabo waxaa ka mid ahaa Col. Axmed Mayow (Ruush), Maxamed Fanax iyo Maxamed Cumar Dalxa, iyadoo intii aysan mudanayaashan imaan Baydhabo si aad ah loo xoojiyay amniga guud ee magaalada.

Ma jirto wax hadal ah oo ay xildhibaannadan siiyeen warbaahinta markii ay soo gaareen Baydhabo, balse waxaa la filayaa inay qayb ka yihiin safarka uu Baydhabo ku joogo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo