4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2014
Kulan xarunta AMISOM ku dhexmaray Danjire Nick Kay iyo Col. Barre Hiiraale

Arbaco, September 03, 2014 (HOL) — Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa kula kulmay Muqdisho Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo dhawaan yimid Muqdisho.

Kulankan ayay labadan mas’uul uga hadlay arrimaha Jubbooyinka iyo sidii loo sii horumarin lahaa ka qayb-qaadashada nabadda Jubbooyinka, kaddib markii uu Col. Barre dhawaan aqbalay nabadeyn ay xukuumadda Somalia hormuud u ahayd.

Sidoo kale, danjire Kay ayaa ku ammaanay Col. Barre Hiiraale go’aankiisii uu ku aqbalay nabadd Jubbooyinka iyo ka qaybgalka shirka looga hadli doono arrimaha Jubbooyinka oo bishan gudaheeda ka furmi doona Kismaayo.

Danjire Kay ayaa sheegay inay muhiim tahay xal u helidda dhibaatooyinka ka taagan Jubbooyinka si loosoo afmeero khilaafka ragaadiyay hannaanka nabadda iyo dib u dhiska goballada Jubbooyinka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta AMISOM ee Xalane ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay xubno ka tirsan taageerayaasha Col. Barre Hiiraale.

Dhanka kale, Col. Barre Hiiraale ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay in laga wada qayb-qaato nabadeynta Jubbooyinka, ayna tahay mas’uuliyad saaran qof waliba oo Soomaali ah.

Shirka dhexmaray danjire Kay iyo Col. Barre Hiiraale ayaa wuxuu imaaayaa iyadoo toddobaadyada soo socda lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka dhaco shir looga hadlaayo dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo Gedo.

Col. Barre Hiiraale ayaa dhawaan heshiis la qaatay madaxweynaha KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Madoobe, kaddib markii muddo sannad ka badan ku sugnaa deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya