4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2014
Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo xabsiga dhigay Agaasimaha Radio Dalsan


Arbaco, September 03, 2014 (HOL) — Ciidamada Nabad-sugidda gobolka Banaadir ayaa maanta xabsiga u taxaabay agaasimaha guud ee idaacadda Dalsan, Xasan Cali Geesey isla markaana ah madaxa hay’adda warbaahinta SIMHA.

Agaasimaha Dalsan Radio iyo iyo mid ka mid ah shaqaalaha idaacadda ayay ciidamadu ka kexeysteen xarunta idaacadda oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo lagu xiray xarunta nabadsugidda Banaadir.

Wariye Abuubakar Muxiyadiin Xasharo oo ka mid ah shaqaalaha Dalsan FM oo lala xiray agaasimaha idaacadda ayaa sheegay in isaga lagu sii daayay damiin, balse ciidamada ay si toos ah u xireen Xasan Geesey.

“Aniga iyo agaasimaha saaka ayaa nagala kexeeyay xarunta Idaacadda ay ku leedahay Muqdisho, waxaa nala geeyay xarunta nabadsugidda gobolka ee Godka Jilicow, su’aalo ayaana nala weydiiyay, saacado kaddibna waxaa amar lagu bixiyay in la xiro agaasimaha Radio Dalsan, anigana damiin ayaa kusoo baxay,” ayuu yiri Abuubakar Xasharo.

Sidoo kale, Xasharo wuxuu sheegay in arrinta lagu haystay Xasan Cali Geesey ay ahayd wareysi uu shalay siiyay Idaacada VOA-da, taasoo ku saabsan kulan agaasimayaasha warbaahinta Muqdisho iyo taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir dhex-maray, kulankaasoo warbaahinta lagu amray inaysan ka hadli karin wararka Al-shabaab la xiriira iyo arrimaha howlgallada ah ee dalka ka socda.

Xashara ayaa intaas ku daray in mar kale ay saraakiisha nabadsugidda ay ku celiyeen inaanay warbaahinta ka hadli karin wararka ku saabsan Al-shabaab iyo howlgallada dalka ka socda, amarkaasoo uu xusay in si gaar ah loo faray idaacadaha maxaliga ah ee dalka ka howlgala.

Amarka ay bixiyeen taliska nabadsugidd gobolka Banaadir ayay warbaahintu ku doodaysaa inaan loosoo marin wasaarada warfaafinta, isla markaana uu yahay mid si rasmi ah loosoo saaray, balse uu u ekaa midka afka ah.

Xarigga agaasimaha Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey ayaa imaanaya iyadoo muddo labo toddobaad ah ay xiran yihiin agaasimayaashii Radio Shabelle iyo Radio SKY FM, kuwaasoo tan iyo xilligaas hawada ka maqan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya