4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2014
Tababar loosoo xiray Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda iyo A. Dastuurka


Arbaco, September 03, 2014 (HOL) — Tababar socday muddo laba maalmood ah oo ay ka qayb-qaateen 17 ruux oo ka kala socday lixda waaxood ee ay wasaaradda  cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ayaa maanta lagu soo gababeeyay xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Waxaa xiritaanka aqoon kororsigan ka qayb-galay wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka xildhibaan, Faarax Sheekh C/qaadir, wasiir ku xigeenka, xildhaaban Cabdullaahi Bile Nuur, xoghayaha joogtada ah, agaasimiya waaxeedyada, la taliyayaasha iyo dhammaan madaxda qaybaha ee wasaaradda.

Tababarkan oo lagu baranaayay is-tiraatiijiyadda iyo qorshe-hawleedka wasaaradda waxaa soo qaban-qaabisay waaxda qorsheyna ee wasaaradda, iyadoo ay casharo la xiriira arrimahan ka bixiyeen khubaro ka tirsan waaxda qorshaynta ee wasaaradda.

Xoghayaha joogtada ah Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa ku shaqaalaha loosoo xiray tababarka ku baraarujiyay inay wixii ay barteen ugu faa’iideeyaan shaqaalaha kale ee aan tababarkan ka qayb-qaadan, ayna laf-dhabar u noqdaan sidii guud ahaan wasraadda u tiigsan lahayd qorsha-hawleedyada u yaalla.

Wasiirka K/Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda & Arimaha Dastuurka ayaa sidoo kale ku dheeraaday muhiimada ay leedahay kobcinta iyo tayaynta shaqaalaha isaga oo balan qaaday in tababarada noocan oo kale ah lasii wadi doono si qorshaha guud ee wasaaradda u yaalla oo qayb ka ah kan xukuumadda dajisay looga mira dhaliyo.

Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo soo xiray tababarka ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay ahmiyad ugu leedahay wasaaraddiisa sare u qaadidda heerka xirfadeed ee shaqaalaha.

“Qof walba oo Soomaali ah maanta cadaalad ayuu u baahan yahay. Sidaa daraadeed meeshii looga adeegaayay dadka jooga waa inay noqdaan kuwo aqoon iyo xirfadba leh u adeegidda Qaranka. Waxaan ku dadaalaynaa anaga oo ku xisaabtamayna misaaniyadda kooban ee wasaaradda inaan ahmiyad gooni ah siino kobcinta maskaxda shaqaalaha,” ayuu yiri Faarax C/qaadir.

Gaba-gabadii munaasabada waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay shaqaalihii labada maalmood tababarku u socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya