4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2014
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo la Wareegay Degmada Jalalaqsi


Arbaco, September 03, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow la wareegay gacan ku haynta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Degmadan ayaa waxay ahayd degmadii saddexaad ee gobolka Hiiraan oo ay awoodda ku lahayd Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo AMISOM ay galeen aan la kulmin wax iska caabin ah.

“Ma jirto wax iska caabin ah oo aan la kulannay, kooxdii Al-shabaab way isaga carareen magaalada markii ay ogaadeen inaan ku wajahannahay,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah kuwa hoggaaminaya ciidamada dowladda ee degmadaas galay.

Wariye la socda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa u xaqiijiyay HOL inaysan wax iska caabin kala kulmin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Al-shabaab, iyadoo xaaladdu ay hadda tahay mid deggen.

Shacabkii degmadaas ku noolaa ayaa weli ku sugan guryahooda, waxaana qaar ka mid ah ay u sheegeen warbaahinta inay degmada ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya, xoogaggii Al-shabaabna ay isaga baxeen.

Qabsashada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo aanay weli ka hadlin Al-shabaab, iyadoo ay noqonayso degmadii ugu horreysay oo gobolkaas ee laga qabsado tan iyo markii uu billowday howlgalka Badweynta Hindiya wajigiisii labaad.

Kala soco Hiiraan Online wixii kusoo kordha warkan haddii ALLE idmo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya