4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2014
Ciidamada Isbahaysanaya oo la Wareegay deegaanno hoostaga Beledweyne


Arbaco, September 03, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Africa AMISOM oo gallinkii danbe ee maalintii shalay ka dhaq-dhaqaaqay  Beledweyne, ayaa la wareegay deegaanno ku teedsan wadada laamiga ah  ee dhinaca koonfureed oo horay ay gacanta ugu hayeen xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada oo galbinaya gadiid xamuul ah oo sidda raashin ka badan 200 oo tan oo uu ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu waramayaa in ay gaareen deeganno u dhaxeeya tuulooyinka Nuur-Fanax iyo Garasiyaan oo qiyaastii 45km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Beledweyne.

Dadka rayid ah ee ku dhaqan deegaannada ay ciidamada sii mareen ayaa warbaahinta u sheegay in meel qaar ay ka maqlayeen rasaas aan badneyn, ilaa iyo haddana lama sheegin iska horimaad culus oo ay la kulmeen ciidamada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo qeyb ka ah socdaalka ciidamada ka ruqaansaday magaalada Beledweyne ayaa sheegay in howlgalkan uu ka mid yahay gulufka dagaallka ee ka soconaya guud ahaanba gobollada dalka,  waxaana uu intaa ku darray in gargaar la gaarsiin doono dadka ku dhibaateysan deegaannada ay go’doomiiyeen Al-shabaab.

Deegaanka  Halgan oo ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn Al-shabaab ayaa wararka naga soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in dadka rayidka ah baqdin ka qabaan dagaal  dhaxmara Al-shabaab iyo ciidamada isbaheysanaya ee ku socda wadada laamiga ah.

Saraakiisha ciidamada qaarkood oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in  saldhig walba oo ay kala wareegaan   Al-shabaab  dhigi doonaan ciidammo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM si looga fogaado in saldhigyadaas dib ugu soo laabtaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Dadka ku dhaqan degmada Buula-burte oo ay soo food saartay xaalad adag oo dhinaca nolasha ah ayaa lagu waramayaa in ay hadal hayaan gargaarka ku sii jeeda degmada  oo ay siweyn ay ugu baahnaayeen.

Si kastaba ha ahaateen, howlgalka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka bilaabeen wadada isku xirta Beledweyne iyo Buula-burte ayaa la oran karaa waa mid qeyb ka ah howlgalka dowladda ay ugu magac-dartay Bandweyne Hindiya ee ka dhanka ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya