4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2014
Xukuumadda Soomaaliya oo Xoogagga Al-shabaab u Qabtay Muddo Kooban


Arbaco, September 03, 2014 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay go’aammo kasoo saartay howlgallada amni ee dalka ka socda, kaddib kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada xukuumadda.

Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, iyadoo go’aammada laga soo saaray ay ku saabsanaayeen hawlgallada lagu sugayo amniga, iyadoo xukuumaddu u qabatay muddo 45 maalmood ah in fursad ay u haystaan xoogagga Al-shabaab, iyadoo sheegtay inay muddadaas dhexdeeda isku soo dhiibaan, dowladduna ay cafis u fidin doonto ciddii is soo dhiibta.

Markii uu kulanku soo dhammaaday  ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg iyo afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli iyagoo faahfaahin ka bixiyay qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirrada.

Wasiirka Amniga ayaa ugu horreyn warbaahinta u akhriyay go’aammo afar qodob ahaa oo kulanka kasoo baxay; kuwaas oo kala ahaa:

1. Xukuumaddu waxay sii wadaysaa oo ay xoojinaysaa howlgalka lagu soo af-jarayo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

2. Xukuumaddu waxay cafis u fidinaysaa kooxaha la marin habaabiyay, kaas oo ay ka faa’iidaysan karaan muddo 45 cisho ah gudahood, ciddii muddadan ka faa’iideysan wayda waxaa loo aqoonsanayaa dambiile sharciga ayaana la hor-geynayaa, xubnaha ka faa’iidaystana cafiska xukuumaddu fidisay ayay helayaan; waxaana loo abuuri doonaa nolol fiican iyo mustaqbal hagaagsan.

3. Xukuumaddu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay barbar is-taagaan ciidamada la dagaalamaya cadowga.

4. Xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa culumma’uddiinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan marxaladdan muhiimka ah, iyagoo iftiiminaya fahamka gurracan iyo been ka sheega diinta Islaamka.

Afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji C/weli oo ka jawaabayay su’aalo ay warbaahintu waydiiyeen ayaa sheegay ujeeddada howlgallada socda ee ay ka qayb-qaadanayaan diyaaradaha dagaalka inuu yahay sidii loo afjari lahaa kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

“Ujeedka howlgallada socda waa in lasoo af-jaro Al-shabaab, duqeyntii ka dhacday gobolka Shabellaha Hoose waxaa lagu beegsanayay hoggaanka Al-shabaab, waxana la gaarsiiyay khasaare waana sii socon doonaan howl-galladan oo kale,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka looga hadlayay howlgallada ka socda gobollada dalka ayaa kusoo idlaaday jawi farxadeed iyo duco loo duceeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dalka si dhibaatada muddada dheer soo jirtay looga baxo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya