4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 2 , 2014
Prof. Jawaari oo Baydhabo kula kulmay Odayaal-dhaqameedyo iyo Siyaasiyiin


Talaado, September 02, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalintii labaad ku sugan Baydhabo ayaa maanta illaa caawa kulammo kula yeelanayay magaaladaas odayaal-dhaqameedyo iyo siyaasiyiin.

Kulankii koowaad ayuu maanta la yeeshay odayaal-dhaqameedyada deegaanka, isagoo kii labaadna la qaatay siyaasiyiinta deegaankaas kasoo jeeda, iyadoo kulamadan ay ahaayeen kuwo wadatashi ah oo soo gaaray caawa fiidkii.

Xubnaha uu guddoomiyaha baarlamaanku kula kulmay Baydhabo ayaa waxaa ku jiray Madoobe Nuunoow Maxamed oo ka mid ah madaxweynaha maamulka lixda gobolka ka kooban ee ay dowladdu horay u sheegtay inuu heshiis la galay maamulkii saddexda gobol lana dhisayo maamul labadii maamul ee hore ka madaxbannaan.

Nuunoow ayaa dhankiisa horay u diiday heshiiskii ay dowladdu gar-wadeenka ka ahayd ee lagu dhisayo maamulka saddexda gobol ka kooban, isagoo heshiiskaas ku tilmaamay mid la isaga horkeeno shacabka ku nool gobollada Bay iyo Bakool. 

Markii ay kulammadu soo dhammaadeen ayuu la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in kulammadu ay qayb ka ahaayeen kuwo u qorsheysnaa markii uu imaanayay Baydhab, isla markaana uu dhammaan xubnihii uu kulammada la qaatay uu kala hadlay sidii ay arag-tidooda u mideyn lahaayeen kaddibna u sameysan lahaayeen maamul ay u dhan yihiin.

“Waxay kusoo dhamaadeen kulammada si is-afgarad ah, waxaana dhamaan dhinacyadii aan la kulmay ka rajeynayaa inay ficil u bedelaan dhammaan wixii aan kaga hadlanay kulammadeenna,” ayuu yiri Jawaari oo aan si cad u sheegin qodobbadii ay kulammadooda kusoo qaadeen.

Ugu dambeyn, Jawaari wuxuu sheegay in kulammadan ay socon doonaan inta uu ku sugan yahay Baydhabo, isagoo rajo ka muujiyey in kulammada wada-tashiga ah ay kasoo bixi doonaan natiijo horseedda aragti mideysan oo ay qaataan shacabka ku nool gobollada Bay iyo Bakool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya