4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 2 , 2014
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo Howlgallo ka Billaabay Galguduud

Talaado, September 02, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka dalka Itoobiya ayaa saakay howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab ka billaabay gobolkaas.

Wararka lag helayo degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ay saakay ka ambabaxeen degmadaas, iyadoo qorshahoodu yahay inay howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabaab ka fuliyaan deegaannada u dhexeeya Ceel-buur iyo Dhuuso-mareeb.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka, Col. Sulub Ax'ed Diiriye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadan huwanta ah ay doonayaan inay Al-shabaab ay ka saaraan deegaannada ay gobolkaas kaga sugan yihiin.

“Qorshaha howlgalkeenna waa inaan Al-shabaab ka saarno deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Galguduud, maanta ayuuna howlgalku si rasmi ah u billowday,” ayuu yiri Col. Sulub.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay gobolka kaga sugan yihiin deegaannada kala ah; Ceel-la-helay, Ceel-qooxle, Ceel-garas, Xiin-dheer iyo Ood-weyne, ayna doonayaan inay ka saaraan deegaannadaas oo dhan.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Dhuuso-mareeb ayaa iyaguna saxaafadda u sheegay in ciidammo isugu jira Soomaali iyo AMISOM oo degmada joogay ay saaka u dhaqaaqeen dhinaca bari ee degmadaas, iyagoo wata gaadiid ay ka mid yihiin kuwa gaashaaman ee dagaalka.

Howlgalka ka billowday gobolka Galguduud ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay ciidamada dowladda iyo kuw AMISOM howlgallada Badweynta Hindiya ka billaabeen deegaanno ka tirsan gobollada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ayaa waxay horay uga sugnaayeen gobolka Galguduud degmooyin badan oo ay ku jirto degmada Ceelbuur oo ay horay uga talin jirtay Al-shabaab, inkstoo degmooyin gobolkaas qaarkood ay weli Al-shabaab ka taliso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya