4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 2 , 2014
Xubno ka tirsanaa saraakiisha Al-shabaab oo lagu dilay duqeyntii Mareykanka


Talaado, September 02, 2014 (HOL) — Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta u sheegay wakaaladda wararka AP in duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ay xalay ka geysteen gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay lix saraakiisha sare ee Al-shabaab ka tirsanaa.

Wuxuu sarkaalku intaas ku daray in la duqeeyay laba gaari oo uu la socday hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanno Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr, balse ma uusan sheegin in lixda dhimatay uu ku jiro Godane iyo in kale.

“Duqeyntii Mareykanka uu xalay ka geystay meel ku dhow Sablaale lix saraakiisha sare ee Al-shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay,” ayuu yiri sarkaalkan oo ku sheegay magaciisa Abuu Muxamed.

Isagoo intaas ku daray in duqeynta lagu bartilmaameedsaday laba gaari oo ay wateen xubno uu ku jiray Axmed Godane oo ku sii jeeday Baraawe oo ah saldhigga ugu weyn ee ay Al-shabaab ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose.

Mareykanku weli si cad uma sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta, iyadoo afhayeen u hadlay Pentagon-ka uu sheegay inay weli baatiaan ku hayaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen in khasaaraha uu weerarkan dhaliyay.

Xarakada Al-shabaab iyaduna weli kama aysan hadlin khasaaraha duqeynta ka dhashay, balse saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa HOL u sheegay saaka in hoggaamiyaha Al-shabaab lagu dilay duqeyntii xalay.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda weli ka hadlin duqeyntii ay ka geysteen diyaaradaha Mareykanka deegaan ku dhow degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose oo gaadiidka la beegsaday marayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya