4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 2 , 2014
Daniel A. Moi oo kasoo horjeestay in Afti loo qaado dastuurka cusub ee Kenya


Talaado, September 02, 2014 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi ayaa sheegay maanta oo Talaado ah ka digay in isbedel lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya ama afti dadweyne loo qaado.

Moi ayaa sheegay in markii isbedelka lagu sameeyay dastuurka Kenya 2010-kii uu la yaabay hadallo ay dadka qaarkood sheegayeen oo ahaa in Kenya ay badbaadeyso haddii dastuurkan la ansixiyo, kaasoo isbedel weyn ku keenaya hay’adaha ugu sarreeya sharciga dalka.

Hadalkan ayuu Moi sheegay isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacaysay iskuulka iyo jaamacadda Kabarak oo ahayd mid uu ugu dabaal-dagayay sannad-guuradiisii 90-aad, taasoo ay kasoo qaybgaleen qoyskiisa, qaar ka mid ah saaxiibbadiis, ehelladiisa iyo ardayda iskuulkaas iyo jaamacaddaas wax-ka-barta.

“Waxaan walaac xooggan ka qabaa in isbedelka lagu sameynayo sharciga maxkamadda sare ee Kenya uu yahay mid siyaasadeysan oo loogu doonayo in lagu wax-yeelleeeyo sharciyada Kenya,” ayuu yiri Moi.

Xafladda uu hadalkan ka sheegay Moi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ku jiray guddoomiyaha degmada Nakuru, Kinuthia Mbugua, xildhibaan, Gideon Moi iyo mas’uul kale oo lagu magacaabo, Zippora Kitony.

Madaxweynihii hore ee Kenya ayaa buug uu ka qoray taariikh nololeedkiisa oo ay ku jirto 24-kii sano ee uu madaxweynaha ka ahaa Kenya wuxuu ugu qaybiyay xafladda xubnihii goobjoogga ahaa, iyadoo buuggan aan suuqyada Kenya weli la keenin.

Hadalka madaxweynaha Kenya, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli lagu wado in shacabka Kenya ay codka kalsoonida ah u qaadaan dastuurka cusub ee dalkaas, kaasoo dalkas oo dhan laga soo dhaweeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya