4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 2 , 2014
Golaha dhaqanka Abwaan C/lle Raage Taraawiil oo looga dhawaaqay Sweden


Talaado, September 02, 2014 (HOL) — Shirweyne looga dhawaaqa gole dhaqan oo loogu magac-daray abwaan Cabdulle Raage Taraawiil ayaa lagu qabtay magaalada Kartinholm ee dalka Sweden.

Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay laashimiin, fannaaniin iyo abwaan si aad ah u qiimeeya suugaanta Soomaalida, iyadoo intii ay xafladdu socotay ay ka qaadday heeso afka Soomaali gabar Swedisha ah oo u soo labisatay sida ay u labistaan haweenka Soomaaliyeed.

Nuur Cali Gacal oo ka mid ah guddiga qabanqaabada munaasabadda oo ka jeediyay hadalk furitaankii xafladda ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay inay dalka Sweden ku qabtaan munaasabad ay ku dhisayan gole dhaqan oo ay ugu magac-darayaan Abwaan Taraawiil.

“Waxaa maanta sharaf inoo ah inaan halkan ku qabanno munaasabad aan ku dhisnayso golaha dhaqanka Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil, waxaana kasoo qaybgalay abwaanno, qorayaal iyo dad ajaanib ah,” ayuu yiri Gacal.

Guddoomiyaha ururka SRFF, C/nuur Ciise oo isaguna ka hadlay xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen boqolaal Soomaalida Sweden ku nool ah in waxa isku keenaya Soomaalida, sharafna iyo qadarrina ay ku leeyihiin uu yahay dhaqanka iyo hiddaha, isagoo xusay inuu mar walba ku talinayo in la kala saaro siyaasadda iyo dhaqanka.

“Maanta waxaa farxad weyn ii ah inaan isugu imaanno kulankan oo aan ku doonayno inaan uga hirgelinno Sweden gole aan ugu magac-darayno mid ka mid ah abwaaniintii waaweyneyd ee Soomaaliyeed, Allaha u naxariisteen, Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil, waxaana Soomaalida kula talinayaa inay mar walba kala saaraan dhaqanka iyo siyaasadda,” ayuu yiri C/nuur Ciise.

Intaa kaddib waxaa la sameeyay doorashada guddoomiyaha KMG ah loogu doortay golaha dhaqanka ee Taraawiil, Xuseen Cabdulle Xasan (Madoobe) oo ah abwaan hal-abuur dhinaca shiribka ah, iyadoo xubnihii goobta ka hadlay ay sheegeen in ay ka go’an tahay in golahan aysan uga harin ku dhawaaqis keliya balse ay ka go’an tahay inay xoojiyaan.

Qoraaga Soomaaliyeed ee C/casiis Xildhibaan oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in golaha si KMG ah loogu doortay guddoomiye, Xuseen Madoobe isagoo sheegay inay ugu hambalyeynayaan xilka loo magacaabay.

Dhanka kale, Xuseen Madoobe oo isaguna hadlay ayaa sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo in golahan loogu doorto guddoomiye KMG ah, ayna ka shaqeyn doonaan sidii uu u noqon lahaa mid meel sare gaara, isaguna uu u gudan doono waajibaadka la saaray sidii loogu talo-galay.

“Howsha dhismaha golahan waxaan daba-soconnay muddo afar sano ah, in lagu dhawaaqana waa mid aad farxad inoogu ah dhammaantee, howshan inteeda badan waxay ka socon doontaa Muqdisho, xafiiska goluhu waxaa laga hirgelin doonaa Muqdisho,” ayuu yiri Xuseen Madoobe oo xafladda ka hadlay.

Ugu dambeyn, Baarliin M. Caddaawe oo ka tirsan golaha fulinta ururka ayaa u mahadcelisay marti-sharaftii kasoo qaybgalay xafladda, sida qoraayaasha Soomaaliyeed, abwaannada, sugaan-yahannada iyo cid walba oo fanka qayb uga jirta ee joogtay kulankaas.

Gunaanadkii munaasabadda ayaa waxaa heeso iyo ciyaaro kala duwan kusoo bandhigay fannaaniin Soomaaliyeed, kuwaasoo dadkii xafladda kasoo qaybgalay ay aad ugu riyaaqeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya