4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 2 , 2014
Gudiga dib u heshiisiinta Jubooyinka oo bilaabay kulamo tashi ah [SAWIRRO]

Talaado, Sebteembar 02, 2014 (HOL) :- Gudiga dib u heshiisiinta beelaha dega Jubooyinka ayaa maanta magaalada Kismaayo ka bilaabay kulamo tashi ah oo ay la yeelanayaan beelaha kala duwan ee dega Jubooyinka, kuwaasoo la filayo in ay ka  qeybqaataan shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka ee la qorsheynayo in 16-ka bishan uu ka furmo Kismaayo.

Shirkan oo ka dhacay Hotel Harwanaag ee magaalada Kismaayo ayay gudiga dib u heshiisiitu kula kulmeen qaar kamid ah beelaha dega Jubooyinka iyagoo ka dhageeysanayay aragtidoda ku aadan shirka iyo weliba sida ay u arkaan in la isugu soo dhaweyn karo beelaha walaalaha ah ee ku wada nool deegaanada Jubooyinka.

Shirkan ayaa waxa hadallo kala duwan ka jeediyay salaadiin, aqoonyahanno, haween iyo waxgarad kale, waxayna aragtiyo kala duwan ka dhiibteen shirka dib u heshiisiinta, iyagoo ugu hambalyeeyay gudiga dib u heshiisiintu sida ay dadaalka u gelinayaan nabad ka dhalata Jubooyinka.

Gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Baaleey iyo qaar kamid ah xubnaha gudiga oo hadallo ka jeediyay kulamadii maanta ayaa sheegay in ahmiyadda kulamadani ay tahay in ay arkaan afkaarta kala duwan ee waxgaradka ku dhaqan Jubooyinka iyo weliba sida ay u arkaan in loo wajahi karo xal u helidda waxyaalaha ay kala tabanayaan beelaha ku nool sedexda gobol ee la isku yiraahdo Jubbaland.

16-ka bishan aynu ku jirno ayaa la filayaa in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Kismaayo shirweeynihii dib u heshiisinta Jubooyinka, kaasoo ay kasoo qeybgali doonaan guud ahaan beelaha wada dega Jubooyinka, wufuud ka kala iman doonto dowladda Soomaaliya, IGAD ioy weliba beesha Caalamka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya