4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 2 , 2014
Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo Kaabiga ku haya Degmada Jalalaqsi

Talaado, September 02, 2014 (HOL) — Xili gobollada koonfurta iyo bartamaha Somalia ka soconayaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay dowladda ugu magac-dartay India Ocean {Badweynta Hindiya] ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan  in ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa midowgga Africa AMISOM kaabiga ku hayaan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan degmada oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in ay baqdin ka baqaan dagaal ku dhaxmara gudaha degmada ciidamada is baheysanaya iyo xoogagga Al-shabaab, halka  warar kale oo soo baxayana sheegayaan dagaalyahannada Al-shabaab isku diyaarinayaan in ay isaga baxaan.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo maalintii shalay warbaahinta kula halay deegaanka Fiidoow ayaa waxaa ay sheegeen in tallaabada xigta howlgalka ay ka waddaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe uu ku wajahan yahay degmada Jalalaqsi taa oo macnaheeda noqonaya in leysku furo wadada dheer ee xiriirsa degmooyinka Buula-burte iyo Jowhar.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay faarujiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaannada Jinbiley iyo Buurweyn oo  ay kala socon jireen dhaq-dhaqaaqa degmada Buula-burte, waxaana la sheegay in ay u anbabaxeen dhinaca degmada Jalalaqsi oo waqtigan xiisad ka taagan tahay.

Gulufka dagaal iyo dhaq-dhaqaaqa militari ee ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa ka bilaabeen deegaannada hoostaga degmada Buula-burte  ayaa waxaa siweyn isha ugu haya dadka rayidka ah ee ku dhaqan Buula-burte oo jeclaan lahaa in ay mar uun arkaan gadiidka xamuulka ah oo si toos ah u soo gallaya degmada oo mudo dheer ugu danbeysay.

Dhinaca kale, magaalada Beledweyne waxaa la diyaarinayaa raashin gargaar ah oo uu ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyeen dadka ku dhibaatoonaya degmada Buula-burte, waxaana raashinkan la fillaya in ay galbiyaan ciidammo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya