4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 2 , 2014
Dowladda Somalia iyo Q.M. oo ka Digay in Abaaraha jira ay Heer xun Gaaraan

Talaado, September 02, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka digay in abaaraha ka jira Soomaaliya ay ku sii baahaan deegaanno cusub oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

Gobolka Bay oo ka mid ah kuwa ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ayaa ka mid ah kuwa ay khatarta xoogggan ku hayso abaarta, iyadoo sababtay inay dad u dhintaan kuwo kalena ay deegaannadooda uga barakacaan.

Toddoba bilood ee lasoo dhaafay ayaa kumannaan dad ahi waxay uga barakaceen deegaan-nadoodii oo ku yaalla gobolka Bakool abaaraha ku dhuftay iyo biyo la’aan xooggan oo ka jirta deegaannadii ay ku noolaayeen.

Inta badan dadkan ayaa iyagoo lugeynaya gaaray kaamam ku yaalla magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan.

“Kaamamkan waxaan ku jirnaa muddo toddoba bilood ah, mana aanan helin wax gargaar ah haba hayaatee; cunno ma haysanno, biyo ma haysanno, mana haysanno guryo. Qaybowga dhaca ayaa dhibaato weyn nagu haya,” ayay Press TV u sheegtay mid ka mid ah haweenka ku jira xeryaha Xudur.

Beeraha ayaa ah kuwo ay ku tiirsan tahay dad badan oo ku nool gobolkaas, laakiin roobab la’aanta jirta awgood ayay beeruhu u bixi waayeen, taasoo ku qasabtay in ku dhow nus malyuun qof inay nolosha ku adkaato ayna kasoo barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen.

Sidoo kale, barakacayal ku jira xeryo ku yaalla magaalada Baydhabo ayaa ka cabanaya gargaar la’aan, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay ku dhawaaqeen dhawaan inay gargaar gaarsiin doonaan barakcayaashaas.

Dadkan barakacayaasha ah ayaa sheegay in abaaraha ay ku waayeen wax walba oo ay haysteen, ayna u baahan yihiin in gargaar deg-deg ah lala soo gaaro.

Wasiirka beeraha Soomaaliya, Cabdi Axmed Maxamed (Baafo) ayaa dhankiisa Press TV u sheegay in dadaal xooggan ay xukuumaddu ugu jirto in abaaraha xilligan taagan aysan gaarin heer ay sababaan macluul sidii dhacday sannadkii 2011-kii.

“Hadda waa waqtigii filic la sameyn lahaa, haddii aan hadda laga hortegin abaaraha, way kasii dari doontaa…. Taasna waa midda aan ka cararnayno,” ayuu hadalkiisa ku daray Baafo.

Deegaanno badan oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa laga soo sheegayay tan iyo billowgii sannadkan abaaro xooggan oo ka jira, iyadoo deegaannada qaarkood harraad iyo gaajo loogu dhintay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya