4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 2 , 2014
Saraakiil Mareykan ah oo Sheegay in Amiirka Al-shabaab lagu dilay Duqeyn


Talaado, September 02, 2014 (HOL) — Sarkaalkiil Mareykanka ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyntii xalay uu Mareykanku ka geystay deegaan ku dhow degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo la socday.

Mid ka mid ah saraakiishan Mareykanka ah oo la hadlay HOL ayaa sheegay in la rumeysan in hoggaamiyaha Al-shabaab uu ka mid ahaa dadkii lagu dilay duqeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka (Drones).

“Waxaan rumeysannahay in hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane lagu dilay duqeyntii ka dhacday agagaarka Sablaale, kaddib markii la beegsaday laba gaari oo uu mid ka mid ah saarnaa Godane,” ayuu sarkaalkan u sheegay HOL.

Sidoo kale, sarkaal Mareykanka ah ayaa isagana u sheegay wakaaladda wararka ee AP in sirdoonka dalkaas uu rumeysan in Axmed Godane uu ka mid ahaa tiro xubnaha Al-shabaab ka tirsan oo lagu dilay duqeynta.

Dowladda Mareykanka weli si toos ah ugama hadlin dadkii ku duqeyntaas ku dhintay, inkastoo afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka uu u sheegay warbaahinta maanta oo Isniin ah in duqeynta uu bartilmaameed u ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya Al-sbabaab.

“Waan qiimeynaynaa natiijada howlgalka kasoo baxda, wararka dheeraadka ahna waxaan u soo gudbin doonnaa saxaafadda xilliga ugu horreeya ee ay ku habboon tahay,” ayuu yiri xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka, John Kirby.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan is-magacaabin ayaa isaguna u sheegay AP in weerarka lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaha kooxda Al-shabaab iyo xubno kale oo sarsare oo ka baxay shir ay ku yeesheen meel ku dhow degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Markii ay duqeyntu dhacaysay waxaan ku sugnaa meel ku dhow degmada Sablaale, waxaana aragnay khasaare badan,” ayuu isna AP u sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii).

Weerarkan cirka ah ee Mareykanku uu la beegsaday hoggaamiyaha kooxda Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane ayaa waxay kusoo beegmaysaa kaddib hal maalin weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday xabsiga Godka Jilicoow oo ay ku xiran yihiin xubno Al-shabaab ka tirsan, kuna dhow madaxtooyada Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab weli kama aysan hadlin khasaarihii ka dhashay duqeyntii xalay, waxaana duqeyntan ay timid iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ay deegaanno ku qabsadeen ka wadaan deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellooyinka iyo Hiiraan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha khasaarha duqeyntii Mareykanka ka dhashay waxaad kula socon doontaan wararka soo socoda ee HOL.

Hiiraan Online, News Desk