4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 2 , 2014
Maraykanka oo sheegtay duqeyn xalay ka dhacday gobolka Shabeelada hoose

Talaado, September 02, 2014 (HOL) — Maraykanka ayaa sheegtay inuu ka dambeeyey duqeyn xalay ka dhacday meel u dhexeysa deegaannada Hawaay iyo Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeynta oo sida la shaaciyey uu bartilmaameedkeedu ahaa saraakiil sare oo ka tirsan hoggaanka Al-shabaab oo goobtaas shir kulahaa, waxaa fuliyey diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka.

John Kirby oo ah af-hayeenka Waaxda Gaashaan-dhigga ee Maraykanka (Pentagon-ka) ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa ku sheegay in ciidamada Maraykanku ay Soomaaliya ka fuliyeen howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab.

Af-hayeenku ma faah faahin nooca howlgalka iyo weliba khasaaraha uu geystey, wuxuuse sheegay in weli ay natiijada ka war dhowrayaan wixii kasoo baxana dib ay kasoo gudbin doonaan.

"Waxan qiimeyn ku wadnaa natiijada howlgalka, faah faahin dheeri ah ayaana laga bixin doonaa marka loo arko inay munaasib ku tahay" John Kirby ayaa sidaas yiri.

Duqeyta waxaa sidoo kale xaqiijiyey Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siiddii) , isagoo sheegay in goobta la bartilmaameedsaday ay ku sugnaayeen hogaamiyaha Al-shabaab iyo qaar kale oo kamid ah saraakiisha sare ee  Al-shabaab oo Soomaali iyo ajnebiba isugu jira.

Dhanka Al-shabaab weli kama soo bixin wax war ah oo arrintan ku saabsan. Sanad kahor [October 5, 2013] ayay ahayd markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanku (Navy Seal) ay howlgal dhicisoobay ka fuliyeen degmada Baraawe ee isla gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya