4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
R.W Cabdiweli: Guul buu kusoo dhamaaday socdaalkii aan ku tagay Baydhabo


Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee Baydhabo tagay ayaa intii aysan kusoo laaban Muqdisho, waxaay kulammo kala duwan lasoo qaateen, odayaasha dhaqanka, bulshada, saraakiisha ciidanka dowladda iyo AMISOM.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay illaa maanta la kulmayay bulshada Baydhabo, iyadoo kulamadaasi lagu dhageystay aragtida dadweynaha, waxaana dadkii kulamadaasi kasoo qeyb-gashay ay ballan-qaadeen inay sii labo jibaarayaan taageerada dowladda iyo howlaha dib-u-heshiisiinta ee xukuumaddu gar-wadeenka ka tahay oo haatan ka socda Baydhabo.

“Guul ayuu kusoo dhamaaday socdaalkii aan ku tagay magaalada Baydhabo, waxaan soo furnay shirkii dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, waxaan xalay la kulmay odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolladaas, dhammaantoodna waxay noo muujiyeen taageerada ay u hayaan shirka dib-u-heshiisiinta ee xukuumaddu hormuudka u tahay,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Socdaalkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada ay xukuumadda Soomaaliya ku doonayso in dalka oo dhana dib u heshiisiin waarta laga sameeyo, loona hir-geliyo maamullo dalka oo dhan ka dhisma.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo isla maanta u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaa oo ay uga qayb-galayaan isaga iyo wafdigiisa shir looga hadlayo tayaynta ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud), wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa inta uu joogo dalka Britain wuxuu kulammo kula yeelan doonaa saaxiibada horumarinta ee Soomaaliya iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ku dhaqan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya