GAROOWE: "Saraakiisha Booliiska Puntland oo Tababbar loo Furay" [SAWIRRO]
Isniin, September 15, 2014 (HOL) —Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/llaahi Cumar ayaa maanta tababarkan ka furay magaalada Garoowe loogu qabanayo saraakiisha ciidanka booliska ee Puntland.
Saraakiisha la tababarayo oo ka kala yimid dhammaan gobollada Puntland wuxuu Madaxweyne ku-xigeenku kula dardaarmay inay si fiican uga faa'iideystaan aqoon isweydaarsigan, waxa ay ka bartaanna dib ugula noqdaan degmooyinkii ay ka yimaadeen.
Mar uu taas sharaxayey waxaa Mudane Camaey hadalladiisii kamid ahaa "cilmi badan ayaad halkan ka baranaysaan noocuu doonaba ha ahaadee, waxaa laydiinka baahanyahay idinkuna inaad ka faa’iideysataan degmooyinkii aad katimaadeena aad ugu faa'iideysaan"
Ugu dambeyntii wuxuu uga mahadceliyey booliska shaqada adag ee ay dalka u hayaan, isagoo ku boorriyey inay dadaalkooda halkaas kasii wadaan "waad ogtihiin anaguna waan ognahay inaad shaqo dhibkeeda leh khatarteeduna badan tahay umadda u haysaan...dadaal ayaa inoo ballan ah"
Tababarkan oo ah mid kor loogu qaadayo aqoonta saraakiisha booliska Puntland, soconna doona muddo toban maalmood ah, waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Amniga, Taliska Ciidanka Booliska iyo Hay'adda UNDP.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
More News
- Ururka Shaqaalaha oo ka hadlay Qoraal uu soo saaray Maareeyaha Dekedda
- Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay Qaar ka mid ah suxufiyiinta Muqdisho
- Kulan Muqdisho ku Dhex-maray Wasiirka Qorsheynta iyo Philippe Lazzarini
- Wadahadal u Furmaya Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumada Somaliland
- Bannaanbax Maanta ka dhacay Baydhabo iyo shirka Kismaayo oo laga digay
- Madaxweynaha Somalia iyo Wasiirro Kormeeray Isbitaalka Difgeer (SAWIRRO)
- Soomaalida lagu Dilay Sanadkan Koonfur Afrika oo Tiradoodu Gaartay 43-qof
- R.W Cabdiweli: Guul buu kusoo dhamaaday socdaalkii aan ku tagay Baydhabo
- Buug ka Hadlaya XADKA RIDDADA oo Lagu soo Ban-dhigay Nairobi (SAWIRRO)
- Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku naf-waayay doon ku dagtay badda dalka Liibiya
- Sheriff Stanek oo taageero weydiistay jaaliyada Soomaaliyeed ee Minneapolis
- Haweenka ku nool Mareykanka oo la Sheegay in ay ku biiraan Kooxda Daacish
- Haween Soomaaliyeed oo ka sheekeeyay kufsigii Askarta AMISOM (Q: 2-AAD)
- C. Daahir Yey: "daandaansiga S/land sax maaha in hadal bes looga jawaabo"