4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Haweenka ku nool Mareykanka oo la Sheegay in ay ku biiraan Kooxda Daacish

Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Haweenka ku nool dalka Mareykan ayaa la sheegay inay billaabeen inay ku biiraan kooxda Islaamiga ah ee ISIS oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaasoo ay ku jiraan gabdho Soomaaliyeed oo Mareykanka ku nool.

Kooxda ISIS ayaa la sheegay inay xilligan si aad ah u soo jiidanayaan dumar aad u da’yar si ay ugu biiraan dagaalyahannadooda, xilli Mareykanku uu aad u raadinayo xulufo kala qaybqaadata sidii kooxdan u burburin lahaayeen.

Wargeys kasoo baxa dalka Israa’iil ayaa qoray maanta in hoggaamiye ka tirsan kuwa Soomaalida ee gobolka Minnesota uu u sheegay in saddex ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee gobolkaas ku nool la waayay, kuwaas oo loo maleynayo inay aadeen Siiriya iyo Ciraaq si ay ugu biiraan Daacish.

Gobolka Minnesota ayaa ah kan ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka deggen, iyadoo sidoo kalena lagu sheegay gobolkaas inuu yahay kan ugu weyn ee kooxaha Islaamiyiinta ah ka ugaarsadaan dhallinta soo koraysa.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in dhallinyaro tiradoodu u dhexeyso 15 illaa 20 ay horay ugu biireen Al-shabaab, kuwaasoo intooda badan ka tagay gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu degto.

Wararkan ayaa waxay imaanaysa iyadoo dhawaan la sheegay in gabadho Soomaaliyeed oo ay da'doodu tahay 16-sano kana yimid dalka Britain ay kooxda ISIS ku biireen, taasoo ka yaabisay caalamka oo dhan.

Sidoo kale, dhawaan ayaa waxaa lagu dilay dalka Suuriya wiil Soomaali ah oo ku noolaa gobolka Minnesota kaasoo ku biiray kooxdan, waxaana tani ay sii xoojinaysaa walaaca laga qabo dhallinyarada ku biiraya kooxda ISIS.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya