4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2014
Somalia oo ka qaybgalaysa Shirka shaqaalaha Carabta ee ka furmay Qaahira


Axad, September 14, 2014 (HOL) — Shaqaalaha waddamada Carabta ayaa waxaa maanta uu shir uga furmay magaalada Qaahira ee waddanka Masar, iyadoo shirkan oo socon doona hal toddobaad ah looga hadli doono xaaladda shaqaalaha dalalka Carabta iyo sidii wax looga qaban lahaa shaqo la’aanta ka jirta dalalka Carabta oo ay Soomaaliya ku jirto.

Wasiirrada shaqada iyo shaqalaaha Carabta ayaa shirka isugu yimid, kuwaas oo uu ku jiro wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya, Luqmaan Sheekh Ismaaciil Maxamed oo ay wehlinayaan agaasimaha Rugta Ganacsiga Somalia Cabdi Abshir Dhoorre iyo madaxa ururka FESTU, Cumar Faaruuq.

“Shirku maanta ayuu furmay, waxaana dadaal loogu jiraan sidii Soomaaliya ay kaalinteedii u soo ceshan lahayd, isla markaana ay saddexda waaxood ee Somalia uga qaybgalaya ay xubno uga noqon lahaayeen ururka shaqaalaha Carabta,” ayuu HOL u sheegay yiri agaasimaha Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir.

Cabdi Abshir ayaa xusay in inta uu shirkani socdo diiradda lagu saari doono sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta shaqaalaha, kuwaasoo ay ka mid tahay; isku xirka shaqaalaha dalalka Carabta, sidii shaqo la’aanta ka jirta dalalka Carabta wax looga qaban lahaa iyo dajinta qorshaha sannadka soo socda ee 2015-ka shaqalaaha dalalka Carabta oo ay Somalia ku jirto.

Wafdiga Somalia ka socda ayaa maanta la kulmay wasiirka shaqaalaha ee dalka Qatar iyo xubnihii la socday, iyagoo kala hadlay sidii ay gacan weyn uga geysan lahaayeen xoojinta shaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

Sidoo kale, Wafdiga Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay la kulmaan madaxa ugu sarreeya ururka socdaalka adduunka ee IOM, William Swing. Iyagoo sidoo kale kulan la qaadan doonoa xubnaha ka socda dalalka Carabta sida Imaaraadka iyo Cummaan.

Dhanka kale, gaba-gabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in guddiyo lagu doorto, iyadoo xubnaha wafdiga Soomaaliya ay sheegeen inay ka qayb-geli doonaan doorashada guddiyadaas ayna rajo ka qabaan inay ka mid noqdaan xubnaha la dooranayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya