4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Ciidanka Amniga Kismaayo oo gacanta ku dhigay hub kala duwan (SAWIRRO)


Sabti, Sebtember 13, 2014 (HOL) :- Masuuliyiinta waaxda nabadsugidda maamulka Jubba ayaa maanta soo bandhigay walxaha qarxa iyo hub ay sheegeen inay kusoo qabteen howl-gallo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Kismaayo.

Waxyaalaha ay soo bandhigeen ciidamada nabadsugidda ayaa waxa kamid ahaa Miinooyin nooca dhulka lagu aaso iyo baastoolado, iyadoo miinooyinka ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen xilli la doonayay in lagu aaso mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada nabadsugidda maamulka Jubba C/laahi Nasri oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay ay gacanta kusoo dhigeen miinooyin iyo raggi doonayay in ay aasaan.

“Waxaan soo qabannay Miinooyinkan iyo baastooladahan aad u jeedaan, raggii aan kusoo qabannayna waa ay xiranyihiin, baaritaanno ayaa ku socdo marka ay dhamaadaanna saxaafadda ayaan usoo bandhigi doonnaa,” ayuu yiri C/laahi Nasri oo warbaahinta la hadlayay.

Masuulkan ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee ay ka wadaan magaalada Kismaayo, wuxuuna ka codsaday shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo in ay garab ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa waxyaalaha liddiga ku ah ammaanka.

Ciidamada nabadsugidda maamulka Jubba ayaa mudooyinkii u danbeeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo ka waday howlgallo ballaaran oo lagu sugayo ammaanka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya