4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Fartaag oo kusoo laabtay Kismaayo kana Warbixiyay Shirka dib u Heshiisiinta

Sabti, Sebtember 13, 2014 (HOL) :- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Jubba ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo wafdigan ay si diiran ugu soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Kismaayo, masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo weliba guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo.

Wafdiga madaxweynaha ayaa imaatinkooda kaddib waxa ay si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabteen hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic) iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish, waxa ayna labaduba soo dhaweeyeen wafdiga madaxweeynaha, iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in mudo dheer kadib ay dib ugu soo laabtaan dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna intaa kadib ka hadlay arinta shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in uu dhawaan ka furmo magaalada Kismaayo.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in maamulka Jubbaland iyo beesha Caalamka ay si wadajir ah u go’aamiyeen in shirka uu qabsoomo 16-ka bishan, wuxuuna xusay in shirku xilligaasi uu furmi doono islamarkaana aan dib loo dhigi doonin.

“Waxaan u sheegayaa reer Jubbaland kuwo gudaha iyo joogo iyo qaar kale ee dibadda joogaba in shirku furmi doono 16-ka bishan,” ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raaciyay.

Imaatinka wafdigan uu horkacayo madaxweeynaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo sedex maalmood oo qura ay ka harsantahay xilliga loo asteeyay in uu magaalada Kismaayo ka furmo shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya