4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Buuq ka dhashay Xeer uu dib u dhigay Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland

Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Kalfadhigii golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta la hor keenay xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah, ka dib markii golaha Xukuumaddu soo ansixiyeen, isla markaana soo diyaariyeen.

Fadhigan golaha Wakiilada waxa shirgudoominayey gudoomiye ku xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax oo isagu raacsan in si degdeg ah loo ansixiyo xeerkan Diiwaangelinta Madaniga ah, waxaana golaha ka hor akhriyey Xildhibaan Bashiir Tukaale si looga dooddo ka dibna loo ansixiyo.

Haseyeeshee waxa hoolka shirarka soo galay gudoomiyaha golaha Wakiillada, C/raxmaan Cirro oo isla maanta safar dibada ah ka soo gallay, isla markaana dib u dhigay ka doodiska xeerkan, isagoo tilmaamay in guddida Doorashooyinka loo yeedhi doono si ay xeerkan wax uga waydiiyaan.

Haseyeeshee arrintasi dib u dhigista doodad xeerkan waxa ka biyo diiday xildhibaanadii muxaafadka ahaa oo ku buuqay isla markaana tilmaamay in ay khalad tahay in dib loo dhigo ka doodista xeerkan.

Mudanayaasha Muxaafadka ah iyo kuwa mucaaradka ah ayaa isku maandhaafay xeerkaas, iyadoo kuwa Mucaaradka ahi ka soo horjeedeen, halka kuwa muxaafadka ahi ku doodeen in si duuduub ah loogu ansixiyo isla fadhiga maanta.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa  Mudanayaasha u sheegay  in xeerkan uu ku jiro khaladaad badan sidaasi darteedna uu Golaha hor Oolli doono, loona yeedhi doono Guddida Komishanka Doorashada si ay faahfaahin uga bixiyaan Xeerkan oo Muran hadheeyay, waxaanu sidaasi ku soo xidhay fadhigii wakiilada.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda ayaa doonaysa inay degdeg uga ansixiyo xeerkan si ay u qabato diiwaangelinta madaniga, halka xildhibaanadda mucaaradkuna ka soo horjeedaan ansixinta xeerkan, maadaama oo xisbiyadda mucaaradku qaadaceen diiwaangelinta Madaniga.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland