4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Ciidanka Uganda oo baaray hoteello ay Somali leeyihiin oo Kampala ku yaalla


Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Ciidamada dalka Uganda ayaa waxay maanta galeen hoteel ku yaalla xaafadda Kisenyi ee magaalada Kampala oo ay Soomaalidu deggen yihiin, sida uu danjiraha Soomaalida ee Kampala, Sayid Axmed Sh. Daahir uu u sheegay VOA-da.

Danjiraha ayaa sheegay in ciidamadu muddo saacado ah baaritaanno adag ku hayeen labadaas hoteel ee ay Soomaalidu leedahay, isagoo sheegay inay xaafadda inteeda kale ahayd mid iska caadi ah.

“Hoteelladan si gaar ah ayay ciidamadu u beegsadeen, waxaana u dirnay mid shaqaalaha safaaradda ka mid ah si uu wax uga ogaada sababta sida gaarka ah loogu beegsaday iyo baaritaannada lagu sameynayo, muddo kastana waan la hadlayay si aan arrinta wax uga ogaanno, balse weli waxba kama ogaan,” ayuu yiri danjire Sayid Axmed.

Su’aal ahayd inay xiriir leeyihiin baaritaannada hoteelladan lagu sameynayo iyo digniinihii ku sabsanaa in weerarro argagaxiso ay ka dhici karaan dalka Uganda ee maanta soo baxay ayaa ku jawaabay.

“Tan iyo markii la dilay hoggaamiyihii Al-shabaab, Axmed Godane xaaladda ammaan ee dalalka ku yaalla geeska Afrika waxay ahayd mid feejignaani ay ka muuqato, waana dhici kartaa inay xiriir leeyihiin digniinta iyo baaritaanka, balse innagu weli waxba kama ogaan.”

Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa maanta soo saartay digniin ku saabsan weerarro argagaxiso ay ka dhici karaan dalka Uganda, iyagoo muwaadiniintooda ku nool dalkaas uga baaqay inay guryahooda iyo meelaha amniga ah joogaan inta howlgalladu dhammaanayaan.

Dhanka kale, xukuumadda Uganda ayaa sheegtay in unugyo ka tirsan Al-shabaab ay soo galeen dalkeeda, lagana yaabo inay weerarro argagaxiso ah ka geystaan Kampala iyo guud ahaan Uganada.

Al-shabaab ayaa horay weerar ay ku dhinteen 76-qof uga geysatay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, iyagoo beegsaday goob lagu daawanayay ciyaartii koobka adduunka ee 2010 ugu dambeysay, iyadoo sidoo kalena ay Al-shabaab ku hanjabtay dhowr jeer inay beegsan doonto dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya