4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Sarkaalkii labaad oo ka tirsan Nabadsugida dalka oo Muqdisho lagu Weeraray

Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa caawa dhaawac ugu geystay deegaanka Nasteexo ee degmada Wadajir sarkaal ka tirsan hay’adda nabad-sugidda dalka, kaasoo dhaawiciisa loo qaaday isbitaalka Madiina.

Sarkaalkan oo aysan noo suuro-gelin inaan magaciisa helno ayaa la sheegay inuu ku sugnaa maqaayad iyadoo dableydu ay si lama filaan ah rasaas ugu fureen, taasoo sababtay inuu dhaawacmo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in sarkaalkan oo ka howlgalayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho uu maqaayadda keligii joogay xilliga la weerarayay, dhowr xabadoodna lagu dhuftay.

“Dhallinyaro bastoolado ku hubeysan ayaa dhaawacay sarkaalka oo maqaayad ku taalla xaafadda Nasteexo ku sugnaa, wayna baxsadeen,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka ku nool xaafaddaas, ehelna ay yihiin sakaalka dhaawaca loo geystay.

Isbitaalka Madiina ayaa dhaawaca sakaalka lagu daweynayaa, iyadoo qaar ehelladiisa ka mid ahna laga soo xigtay in xabbaduhu ay uga dhaceen qaybta sare ee jirka, dhaawiciisuna uu aad u culus yahay.

Waa sarkaalkii labaad oo maanta lagu weeraro Muqdisho, iyadoo dableyd ka tirsan Al-shabaab oo gaari yar watay ay maanta toogasho ku dileen taliye ku xigeenkii qaybta la dagaalanka argagaxisada ee hay’adda nabadsugidda kaa oo lagu soo gaabshay magaciisa Maxamed Qaybe.

Taliye ku xigeenka ayaa waxaa mas'uuliyadda sheegatay Al-shabaab, iyadoo sidoo kalena la sheegay in ruux kale oo hay’adda nabadsugidda ka tirsanaa oo la saarnaa gaariga taliye ku xigeenka isna uu goobta ku dhintay.

Beegsiga saraakiisha nabadsugidda Somalia ka tirsan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dhawaan wasaaradda Amniga Qaranka ka digtay weerarro aargoosi ah oo ay soo qaaddo Al-shabaab, kaddib dilka hoggaamiyahoodii Axmed Godane.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya