4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Guddiga Qabanqaabinta Shirweynaha Suxufiyiinta Somaliland oo la kala diray

Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Guddida Fulinta ee ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa maanta kala diray guddidii qabanqaabada kaddib markii qaar ka mid ahi is-casileen, isla markaana aanay illa hadda helin kharashkii lagu qaban lahaa shirka oo kusoo beegmay xilli  ay hay’adihii ka rajaynayeen kharashka ku bixi lahaa shirweynaha ku jiraan xisaab xidhkoodii oo aanay awoodi Karin inay wax kharash ah bixiyaan.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen guddida fulinta ee ururkaasi ayaa lagu sheegay in guddidan qabanqaabadda la siiyey muddo bil ah inay ku diyaariyaan kulankii shanaad ee SOLJA, taas oo illaa hadda waxba ka suurogalin.

“Guddiga fulinta ururka suxufiyiinta SOLJA kaddib markii ay falaqeyn ku sameeyeen hab-sami u socodka hawlaha qabanqaabadda shirka iyo xubnihii qabanqaabadda ee 14 August, 2014 ka loo igmaday sida ku cad go’aanka ergaddii odayaasha saxaafadda, kaas oo si rasmi ah u farayey xubnaha qabanqaabadda inay hawlaha shirka ku suurtogaliyeen muddo bil gudaheed oo ka bilaabmaysa maalinta go’aanka guddidu soo baxay oo ahayd 14 August, 2014-ka.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay soo saareen guddida fulinta ee ururkaasi oo ay ku saxeexan yihiin gudoomiyaha ururkaasi Xasan Maxamed Yusuf iyo xubno kale.

“Markii xubnaha guddida fulintu ay falanqeeyeen qaabka loo soo xulay ergooyinka shirweynaha, waxa muuqatay inay tahay mid baal marsan shirciyaddii ururku uu ku dhaqmayey iyo hannaankii qabashadda shirweyneyaasha ururka loo mari jiray, isla markaana ay xubno guddida qabanqaabada ka mid ahi iska casileen hawshii loo xil saaray ee qabashadda shirweynaha, taas oo keenaysa inay lunto kalsoonidii lagu wada qabay guddiga qabanqaabadda maadama aanay isu wada dhamayn xubnihii laba geesoodka ahaa ee guddidu ayaa xubnaha gudiga fulinta ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxay go’aan ku soo saareen qodobadan hoos ku qoran:

• Inay kala direen gudiga qabanqaabadda shirweynaha 5aad ee ururka solja, kana koobnaa toddobada xubnood.

• Sidoo kale hogaanka ururka SOLJA iyo gudiga fulntu sababaha kor ku xusan awgood go’aan ku gaadheen in qabashadda shirweynaha dib loogu riixo xilligii munaasibadka ku ahaa in la qabto, taas oo ahaan jirtay bilowga sanadka, waxaanay isla garteen in loo mudeeyo bisha labaad ee sanadka 2015-ka”ayaa intaas lagu daray.

Dhinaca kale, saddex xubnood oo ka mid ah toddobadda xubnood ee gudida qabanqaabada shirweynaha ayaa iyaguna is casilay ka dib markii ay xubnaha kale ku eedeeyeen inay marin habaabiyeen ujeedaddii ururka  loona leexiyey inay xubnaha suxufiyiinta laga keeno xarumaha warbaahinta halkii ay ka ahayd in suxufi kasta xaq u leeyahay inuu shirweynaha ka soo qaybgalli karo, isla markaana xubin ka noqon karo ururka Solja.

“Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay September 13 2014 aanu iska casilnay xubinimadii guddida qaban-qaabada shirweynaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

Runtii sida magaca ku cad ururka SOLJA waa urur ay ku mideysan yihiin saxafayiinta ka howlgala Somaliland, ergaduna waxa ay ka imanaysaa uun iyaga, laakiin xubno han ka fog ka guddida qaban qaabada ayaa marin habaabiyay, waxaanay u leexiyeen oo ay xuquuqdii suxufiyiinta madaxa banaan u leexiyeen dhinaca xarumaha warbaahinta.

Waxa aanu maanta laga bilaabo u cadaynaynaa cidii ay khusaysay hawshii baaxada lahayd ee aanu haynay in aanu iska casilnay” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka saddexda xubnood isku casishay oo kala ah gudoomiye ku xigeenkii guddida qabanqaabadda Najax Aadan Cunaaye, Cabdifataax Maxamuud Caydiid iyo Aadan Cabdi Ciidle.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland