4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Guddoomiyaha Baarlamanka oo ka Warbixiyay shir berri ka furmaya Baydhabo


Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Baydhabo ku sugnaa ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed oo berri ka furmi doona magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

“Shirweynaha dib u heshiisiinta shacabka gobollada Koonfur-galbeed haddii uu Alle idmo si rasmi ah ayuu u furmi doonaa maalinta berri ah waxaa shirka ka qayb-geli doona ergo ka kala socota gobollada oo dhan oo Baydhabo ku sugan. Ajandaha ugu horreeyana waa in dib u heshiisiin ballaaran, is-cafin iyo isku calool fiyoobi ay gaaraan guud ahaan shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur-galbeed,” ayuu yiri Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in shirweynahan dib u heshiisiinta ah uu socon doono 45 maalmood oo ka billaabineysa maalinnimada berri ah, isagoo xusay inuu wajigiisa koowad ku saabsan yahay dib u heshiisiin guud. Wajiga labaadna uu noqonayo in la mideeyo aragtiyada kala duwan ee dhismaha maamul ay yeeshaan gobollada Koonfur-galbeed, halka wejiga seddexaad oo ah kan ugu dambeeya uu yahay in la guda-galo dhismaha maamulka KMG-ka ah ee ay gobollada Koonfur-galbeed yeelanayaan.

Munaasabadda furitaanka shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa waxaa ka qaybgeli doona ra'iisul wasaaraha Somalia, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Qabashada shirkan ayaa waxaa aragti mideysan kusoo dhaweeyay maanta odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
M
uqdisho, Soomaaliya