4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Uganda oo heegan gelisay ciidamadeeda iyo baqdin laga qabo weerarro dhaca


Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay in unug ka tirsan Al-shabaab ay soo galeen dalkeeda, kuwaasoo ay sheegeen in ay qorsheynayaan weerarro argagaxiso oo ay geystaan, iyadoo safaaradda uu Mareykanku ee magaalada Kampala ay sheegtay inay dhici karto in weerar argagaxiso uu dhaco.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa dhawaan sheegay inay dhici karto inuu la soo weeraro Kampala, isagoo sheegay in mas’uulka cusub ee hoggaanka Al-shabaab la wareegay uu qorsheynayo weeraro lagu weerarayo Uganda.

“Ciidamada ammaanka Uganda ayaa billaabay howlgallo ay ku adkeynayaan meel walba oo muhiim ah, kuwaasoo uu ku jirto garoonka diyaaradaha Kampala ee Entebbe,” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Kampala.

Uganda ayaa ah dalka ay ciidamada ugu badan ee AMISOM ka joogaan Somalia, kuwaas oo dagaal kula jira Al-shabaab. Iyadoo uu sanadkii 2010 uu ka dhacay dalkaas weerar lagu dilay 76-qof, kaasoo mas’uuliyaddiisa ay si cad u sheegatay Al-shabaab.

Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa uga digtay muwaadiniintooda ku sugan Uganda inay digtooni muujiyaan ayna joogaan guryahooda ama meeshii kale ee ay u arkaan inay ammaan tahay inta howlgalka laga soo gaba-gabeynayo.

Qoraal kasoo baxay booliiska Uganda ayaa lagu bixiyay digniino, balse ma jiraan wax faah-faahin ah oo inaas dheer oo ay bixiyeen. Iyadoo goobaha muhiimka ah lagu arkayo ciidamo fara badan oo booliiska Uganda ka tirsan.

Al-shabaab ayaa dhismashadii hoggaamiyahodii hore dhintay ku goodiyay in ay u aargudi doonaan, iyagoo sheegay in haddii Godane uu geeriyooda uu sii socoon doono dagaalka ay kula jiraan cadowgooda oo ay ku jiraan dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM oo Uganda ay ku jirto.

Ma jirto meel gaar ah oo dowladda Uganda ay sheegtay inay ka shakisan yihiin in unugga ka tirsan Al-shabaab ay beegsan doonaan, iyadoo aysanna weli ka hadlin arrintan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya