4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Golaha Guurtida oo Ogolaaday ka Qayb-galka Shirka lagu Qabanayo Baydhabo

Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Golaha guurtida Koonfur-galbeed ee ka kooban lixda gobol ayaa aqbalay maanta ka qaybgalka shirka dib u heshiisiinta ah oo maalin ka hor uu ku dhawaaqay qabashadiisa, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Shiikh Cismaan Jaraari oo Baydhabo ku sugan.

Shirkan ayuu sheegay Jawaari inuu yahay mid la isugu keenayo dhinaacyo ku muransan maamulka gobollada Koonfur-galbeed, isagoo xusay in shirka ay isugu imaan doonaan dhammaan shacabka ku nool gobollada Bakool iyo Gedo.

Golaha guurtida ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inuusan Baydhabo imaan karin waqtigan xaadirka ah ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka, C/weli Sheekh Axmed, waxayna ugu baaqeen inuu faraha kala baxo arrimaha Koonfur-galbeed.

Haddaba Bayaankii ay Goluhu soo Saareen ayaa u Qornayd sidan:


Hiiraan Online, Baydhabo