4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Geeridii Amiirkii Al-shabaab ku tilmaamay Guul weyn u soo hoyatay Caalamka oo dhan


Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhimashadii hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Ow-Maxamuud Godane, isagoo sheegay in taasi ay guul Soomaaliya iyo gobolka oo dhan u soo hoyatay.

Desalegn oo wareysi siinayay wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa waxaa la weydiiyay su’aal ahayd; waxay Soomaaliya iyo gobolka oo dhan uga dhigan tahay geerida Axmed Godane, isagoo ku jawaabay.

“Waxaan u dareemayaa in argagaxisadu ay tahay dhibaato caalami ah, sidaa daraadeed dhismashada hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Godane waxay uga dhigan tahay Somalia iyo weliba dalalka dariska la ah guul weyn.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Godane uu ahaa mid xasillooni-darro iyo dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed iyo weliba dalalka gobolka, sidaa darteed waxaa hadda jirta fursad ah in Somalia nabad iyo xasillooni laga abuuro, si dalalka gobolka ay u helaan deggenaasho. Waxaana diyaar u nahay in aan gacan ka geysanno dib u soo celinta Soomaaliya oo sidaan ka xooggan.

“Ugu horreyn shacabka Soomaaliyeed, kuwa gobolka iyo weliba calaamka oo dhan waxay geerida hoggaamiyihii Shabaab u arkaan inay tahay guul weyn oo dhamaan u soo hoyatay,” ayuu Hailemariam hadalkiisa ku daray.

Mar la weydiiyay laba su’aalood oo ahaa; Tan ma loo arki karaa inay horseedayso inuu soo afjarmo jirtaanka Al-shabaab? Sideese ugu kalsoon tahay inay Somalia noqoto dal lugihiisa ku istaaga. Wuxuuna ku jawaabay.

“Ugu horreyn geerida Axmed Godane waxay muujinaysaa billowgii baaba’a Al-shabaab iyo in ururkan uu noqodo mid liita awood ahaan. Waxayna tani fursad u siinaysaa shacabka Soomaaliyeed inay Al-shabaab iska xoreeyaan.”

Ra’iisul waasaraha Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay dadka Soomaaliyeed ku qasbeen inay xukunkooda hoos-joogaan, marka tani waa mid fursad u siinaysa shacabka Soomaaliyeed inay ka hoos-baxaan xukunka Al-shabaab.

“Dhanka kale, waxaan u arkaa in wixii hadda ka dambeeya inay hay’adaha Soomaaliya si wanaagsan u shaqeeyaan, waayo dalku wuxuu isku diyaarinayaa in doorasho ay ka dhacdo sannadka 2016-ka, si ay shacabku u soo doortaan mas’uulkii hoggaamin lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Isagoo isla doorashada kasii hadlaya ayuu xusay in inta ka horreysa xilliga doorashada loo qoondeeyay waxaa laga shaqeynayaa sidii Al-shabaab ay uga saari lahayeen guud ahaan dalka, si shacabku fursad ugu helaan inay si xor ah codkooda u dhiibtaan.

Ugu dambeyn, ra’iisul waasaraha Itoobiya wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay qayb ka qaadanayso xoojinta hay’adaha dowladda Soomaaliya, waxaanan u aragnaa geerida hoggaamiyaha Al-shabaab mid soo afjaraysa kooxda.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo gobollo Soomaaliya ka mid ah ku dagaalamaya Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya