4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Xukuumadda Somalia oo dib-u-habayn ku sameynaysa shaqaalaha rayidka ah


Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha wasiirrada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ka jira dalka, amniga guud iyo qodobbo kale oo ka mid yahay dowladda Soomaaliya oo dib-u-habeyn ku samaynaysa shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Kulanka ayaa looga dooday sharci la xiriira tayaynta iyo dib-habaynta shaqaalaha dowladda iyo in fursado shaqo oo loo abuuro dhallinyarada ka soo baxaya jaamacadda dalka ee shaqo la’aantu haysato, waxana qorshahan soo bandhigay aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo qubaro ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Somalia, C/llaahi Colaad Rooble oo la hadlay saxaafadda markii kulanku soo dhammaaday ayaa sheegay in wasiirradu ay warbixin ka dhagaysteen wasiirrada amniga Qaranka iyo gaashaandhigga, wuxuuna sheegay in amniga dalka uu si weyn u soo hagaagayo kaddib markii la qaaday howlgallo lagu adkaynayo ammaanka Qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada iyo shacabka oo laga sameeyay gobollada dalka iyo Muqdisho.

“Dowladda Soomaaliya waxaa mas’uuliyadi ka saaran tahay nolosha dadkeeda, waxayna gurmad u fidisay dadkii ay ku dhufteen abaaruhu oo la gaarsiiyay raashin iyo biyo si wax looga qabto xaaladooda nololeed. Haddana waa soo kabanayaan goobiihii sida daran abaartu u saamaysay,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenku yiri.

Ugu dambayn, golaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta uga dooday shirweyne ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, waxaana goluhu u xil-saareen guddi wasaaradaha warfaafinta iyo hidaha iyo tacliinta sare inay kasoo talo bixiyaan qaabka ugu habboon ee shirweynahaas u qabsoomi lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya