4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Dhisme lagu Xannaaneeyo Agoonta oo laga Hirgelinayo Deegaanka Kalabaydh


Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu billaabayay asaaska xarun lagu dar-yeeli doono agoonta ayaa ka dhacday deegaanka Kalbaydh oo 30-km dhinaca galbeed kaga aaddan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qayb-qaatay culummada, waxgaradka, mas’uuliyiin, qurbo-joog kasoo jeedda deegaankaas iyo shacabka ku nool deegaanka.

Sheekh Aadan-weli Cabdi Xuseen oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhulka iibkiisa ay iska kaashadeen dadka deegaanka kasoo jeeda ee isugu jira kuwo gudaha ku sugan iyo qurbo-joogba; isagoo dhammaan dadka ka qayb-qaatay u mahadceliyay, wuxuuna intaas ku daray inay qayb weyn ka qaateen in la suuro-geliyo in agoomaha loo dhiso xarun lagu xannaaneeyo.

Xafladda waxaa kaloo ka hadlay culummada deegaanka oo sheegay inay hiil iyo hooba aysan kala hari doonin xaruntan, maadaama ay jiraan agoomo fara badan oo ku dhaqan deegaanka Kalabaydh iyo agagaarka ku dhowba.

Ololahan oo kale ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday deegaanada hoos-yimaada gobolka Sool iyo Caynba; iyadoo laga hirgeliyay Laascaanood iyo Buuhoodle xarumo agoomeed.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool