4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Sarkaal ka tirsanaa argagaxiso la dirirka nabadsugidda oo toogasho lagu dilay

Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugidda Qaranka ayaa goor-dhow lagu dilay Muqdisho, kaddib markii kooxo hubeysan oo gaari wadatay ay ku weerareen meel ku dhow isgoyska Zope.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka oo ahaa taliye ku xigeenka qaybta argagaxiso la dirirka ee hay'adda nabadsugidda la weeraray uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaastii ay kooxaha hubeysan ku fureen, iyadoo sidoo kalena ay jiraan khasaaare soo gaaray ilaaladiisii iyo kooxihii weerarka geystay.

Sarkaalka ayaa ka tirsanaa qaybta argagaxiso la dirirka hay’adda nabad-sugidda Qaranka, waxaana magaciisa lagu soo koobay Maxamed Qaybe, iyadoo dilkiisa ay sheegteen Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen sarkaalka ka tirsan hay’adda nabadsugidda, iyadoo kooxihii weerarka qaaday aan lagu guuleysan in la qabto.

Weerar noocan oo kale ah ayay Al-shabaab ku dishay bishii Ramadaanka ee lasoo dhaafay taliye ku xigeenkii qaybta la dagaalanka argagaxisada oo lagu magacaabi jiray; Ibraahim Ahmed.

Dilkan sarkaalkan ka tirsan ha’yadda nabadsugidda ayaa wuxuu yimid markii kooxo hubeysan ay gaarigiisa ku hor-jareer gaarigiisii xilli uu marayay meel ku dhow isgoyska Zope ee degmada Wadajir, iyagoo rasaas ku furay.

Toogashada sarkaalkan ee ay sheegatay Al-shabaab ayaa imaanaya kaddib markii dhawaan la dilay hoggaamiyihii Al-shabaab Axmed Godane, iyadoo sidoo kalena uu imaanayo xilli ay dhawaan Al-shabaab weerar ismiidaamin ah ka geysatay duleedka Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya