4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 13, 2014
Kulan dhexmaray Jawaari & Maamulka lixda gobolka oo guuldarro ku idlaaday

Sabti, September 13, 2014 (HOL) — Maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban ayaa sheegay in lagu guul-darreystay kulan ay la yeesheen guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo ku saabsanaa sidii la isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada muransan.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa Baydhabo kaga dhawaaqay maalin ka hor in dhawaan la qaban doono shir dib u heshiisiineed oo lagu dhameynayo khilaafyada siyaasadeed ee ka jira magaaladaas.

“Natiijo la’aan ayay ku dhammaaday kulan aan la yeennanay Prof. Jawaari kuwaasoo la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo, mana garanayno shirka dib u heshiisiinta ah cidda ka qaybgalaysa ama loo qabanayo,” ayuu yiri C/llaahi Maxamed Idiriis oo ka mid ah wasiirrada maamulka lixda gobol.

Idiris oo sii hadlayay ayaa yiri: “Shirka dib u heshiisiinta uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka… yaa loo qabanayaa… waayo innagu waxaan caddeyneynaa in kulammadii ka dhacay Baydhabo ay guul-darreysteen.”

Sidoo kale, wasiirkan wuxuu sheegay inay kasoo horjeedaan in Baydhabo uu yimaado ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, maadaama wasiirro aan wax shaqo ah ku hayn arrimahan loosoo diray, isla markaana aan qaabilsanayn howlaha nabadeed ee Baydhabo laga wado.

Maamulka lixda gobol ka kooban ayaa kasoo horjeestay qorshe ay dowladdu ku doonayso in lagu dhiso maamul gobleed ka kooban saddex gobol, kaasoo la sheegay in shirkiisa uu ka furmi doono dhawaan magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka lixda gobol, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa dhawaan Baydhabo kaga dhawaaqay inuu wadahadallo la furayo madaxwenaha maamulka KMG ah ee Jubba si aan loo kala goyn lixda gobol.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda oo ay jawaab kaga bixinayaan hadakla kasoo yeeray maamulka lixda gobol ka kooban ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaasoo ay horay dowladdu u sheegtay inaysan aqoonsanayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya